Ururka shiiciga ee Xisbullah oo fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa ku dhawaaqay habeenimadii Khamiistii, in ay burburiyeen taangi ay Yahuuddu leedahay, kaas oo ku sugnaa meel u dhow xudduudbeenaadka uu dalkaas la wadaago dhulka ay Yahuuddu gumauysato ,iyaga oo adeegsanaya gantaallada nooca la haga, arinkaan ayaa imaanaya wax yar kadib, markii ay ku dhawaaqday Xisbullah in ay dagaal la gashay ciidammada Yahuuddu oo isku dayaya in ay gudaha u galaan gobolka.
Xisbiga ay Iran taageerto ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dagaal-yahanadooda ay beegsadeen “Taangi Merkava ee ku sugnaa Buuraha Labouneh, iyagoona adeegsanaya gantaallada nooca la haga, kaas oo sababay in la gubo Taangiga, ciidankii la socdayna ayaa uqaybsamay wax dhintay iyo wax dhaawac ah”
Ciidamada Sahaayinadana ilaa iyo hadda wax war ah kamaysan soo saarin weerarkaas,balse ciidamada Yahuudda ayaa caan ku ah marka ay la kulman weeraro laayaan ah, in ay warbaahinta af qabtaan si ay uqariyaan khasaarahooda.