Maleshiyaadka shiicada ee ka dagalama dalka Ciraq ayaa ku dhawaaqay manta in ay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday dekedda Haifa, waxay sheegeen hawlgalkan inuu qayb ka yahay hawlgallada ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta.
Bayaan goordhow kasoo baxay Isbahaysigan ayaa lagu sheegay, in ay duqayn ku burburiyeen xarun muhiim ah oo kutalay dakada Haifa, ayagoo ka jawabaya xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo dadka ku nool marinka Qaza.
Shalay oo Isniin ahayd, maleshiyadkan ayaa weeraray bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla waqooyiga dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin. Waxa ay sidoo kale Axaddii ku dhawaaqeen in ay duqeeyeen 3 bartilmaameed oo ciidamada Yahuuddu ku lahaayeen Golan ee dhulka Suriya gumaysiga looga haysto, iyo laba bartilmaameed oo ku yaalla dooxada Urdun.
Todobaadyadii la soo dhaafay, waxaa isasoo tarayay weerarrada ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleshiyadaka shiicada Ciraq, ayagoo ku bartilmaamdsanaya saldhigyada Yahuudda, Yahuudda ayaa horay u shaacisay in la bartilmaameedsanayo goobaha muhiimka ah ee Eilat, Golan, iyo dooxada Urdun.