Maleeshiyaadka shiicada ah ee ka hawlgala dalka Ciraq ayaa sheegay, manta oo sabti ah, in ay weerar duqayn ah ku beegsadeen 3 bartilmaameed oo millatari, kuwaas oo ku yaalla waqooyiga dhulka Falastiin ee gumaysiga ku hoos jira.
Kooxdan ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay weerarada ay ku qaaday xarumaha Yahuudda ee dhulka lahaysto ee Falastiin, waxay sidoo kale sheegtay sii socoshada howlgalladeeda ay kaga hortagayso Yahuudda, iyadoo garab siineysa shacabka Falastiin iyo Lubnaan.
Dhankooda maamulka  Sahaayinada ayaa sheegay, in ay la kulmeen weerarro uga yimi dhanka Ciraq, kaas oo gaystay khasaare xooggan, wax faahfaahin ahna kama aysan bixin khasaaraha kadhashay weerarkaas.
Dhowr todobaad ka hor, diyaarad Drone ah oo ka soo duushay dalka Ciraaq, ayaa duqeysay saldhig ciidamada Yahuuddu ku leeyihiin waqooyiga magaalada Golan ee dhulka Suuriya ee gacanta Yahuudda ku jira, halkaas oo ay ku dileen laba askari, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.