Warbaahinta xiriirka la leh kooxda Ansar Allah (Xuthiyiinta) ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka iyo Kuwa Ingiriiska ay 3 duullaan ka fuliyeen bariga magaalada Sacda ee waqooyi-galbeed Yemen.
Gelinkii hore ee maanta, warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in gantaal laga soo riday Yemen oo ku socday Yahuudda, kaas oo sababay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo is-daba joog ah oo laga maqlay bartamaha Dhulka Yahuudda.
Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay in hal gantaal laga soo riday Yemen, halka Jabhadda Guriga Yahuudda ay sheegtay in seeriga laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, Iyaga oo is garabsanaya Gzaza oo ay wajahayaan dagaalka xasuuqa ah ee Gumeysiga Yahuudda ka wado Marinka tan iyo October 7, 2023 – kaas oo galaaftay in ka badan 154,000 oo falastiiniyiin ah dhimasho iyo dhaawac – kooxda Xuuthiyiinta ayaa bilowday tan iyo bishii November ee isla sanadkaas oo ay beegsato maraakiibta xamuulka ee ay Leedahay Yahuudda ama kuwa iyaga ku xiran Badda Cas oo wata gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Iyadoo laga jawaabayo weerarradaas, tan iyo bilowgii 2024-kii, Washington iyo London waxay billaabeen inay weerarro cirka iyo gantaallo ah ku qaadaan goobaha Xuutiyiinta ee Yemen, taasoo ay kooxdu kaga jawaabtay inay ku dhawaaqday inay hadda u aqoonsanayso dhammaan maraakiibta Mareykanka iyo Biritin inay ka mid yihiin bartilmaameedyada millatari, ayna sii ballaariyeen Weerrarada ay ku hayso maraakiibta mara badda Carabta, badweynta Hindiya, ama meel kasta oo ay gaadhaan hubkeeda.