Maraykanka iyo Ingriiska oo mar kale weerarro ka gaysatay Yemen iyo Xuutiyiinta oo Markab beegsaday.

27
0

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa mar kale dib u cusbooneysiiyay duqeymaha ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo ku yaalla gobolka xeebta ah ee Xudeydah, ee dhaca galbeedka Yemen, halkaas oo ay Xuutiyiintu ka dhigteen goob ay ka weeraraan maraakiibta caalamiga ah ee mara Badda Cas.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay qaadeen laba weerar, fiidnimadii Jimcaha, waxayna ku qaadeen deegaanka Ras-Ciisa ee gobolka Xudeydah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin un ka dib markii diyaaradaha Maraykanku ay 15 weerar oo cirka ah ku qaadeen goobaha Xuutiyiinta ee Sanca iyo Sacda, kuwaas oo ay sheegeen in ay la beegsadeen goobo ay Xuuthiyiintu ku kaydsato Hubka oo ku yaala dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay, fiidnimadii Jimcaha, inay beegsadeen markab marayay Badda Carabta, kaas oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta Yaxye Sariic  ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadoodu beegsadeen markabka “MEGALOPOLIS” kaas oo ku socdaalayay badda Carabta, isagoo sheegay in hawlgalka sidii loo qorsheeyay uu udhacay.

Xuuthiyiinta ayaa in ka badan 150 maraakiib ganacsi ah, ku bartilmaameedsatay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tan iyo markii uu dagaalka Qaza bilowday bishii October 2023-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here