Maraykanka oo Cunaqabatayn Cusub Kusoo Rogay Wax soo Saarka Saliida ee Dalka Iran.

40
0

Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogayo shaqsiyaad iyo hay’ado xiriir la leh waaxda saliidda ee dalka Iran, taasoo qeyb ka ah siyaasad uu Maraykanku cadaadis dhaqaale ku saarayo Iran, si ay u hakiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay, magacyada iyo shakhsiyaadka ay cunaqabataynta saartay, waxaana kamida 16 shirkadood oo xiriir dhow la leh shirkadaha soo saara Saliida iyo kuwa kiimikada ee dalka Iran.

Arrintan ayaa timid Toddobaad kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay daabacday warbixin ay ku sheegtay, in xadiga kaydka saliidda Iran uu kor u dhaafay 25 milyan oo fuusto, taas oo gaartay heerkii ugu sarreeyey muddo sannad ah, iyada oo qiyaastii boqolkiiba 80% shixnadahaasi loo iib geeyo xeebaha Singapore iyo Malaysia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here