Maraykanka oo Diyaradihiisa Dagaalka ee B-52 Geeyay Dalal Dhaca Bariga Dhexe.

25
0

Taliska ciidamada Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay in diyaaradaha B-52 ay soo gaareen Bariga Dhexe, maalin kadib markii Washington ay ku dhawaaqday inay geyn doonto gobolka saanad Militray oo xoogan, taas oo digniin u ah dawlada  Iran.

Jimcihii, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu awood cusub oo milateri u dirayo Bariga Dhexe, tallaabadaas oo uu ku sheegay inay ku timid difaaca Yahuudda  iyo in Iran looga digo inay jawaab kabixiso weerarkii dhawaan lagu qaaday Magalada Tehran,  waa sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Pentagon-ka.

Tan iyo 26-kii Oktoobar, markii ay Yahuuddu beegsadeen xarumo ciidan oo ay Iran lahayd, waxaa isasoo tarayay hanjabaadaha ka imaanaya  dalalka galbeedka, ku waas oo kacabsi qaba in Iran ay ka jawaabto weerarkii Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here