Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maanta soo xigatay saraakiil Maraykan ah kuwaas oo sheegay, in maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu diyaarinayo xirmo hub ah oo ku kacaya 725 Milyan oo Dollar oo loogu talagalay dalka Ukraine, xilli madaxweynahan xilka ka degaya uu doonayo inuu taageero xukuumadda Kiev ka hor inta uusan xafiiska ka tegin.
Wakaaladdan waxay sheegtay, in maamulka Biden uu qorsheynayo inuu bixiyo noocyada kala duwan ee hubka lidka taangiyada, si ay isaga caabiyaan ciidamada Ruushka ee ku soo wajahan, iyadoo xustay in hubkan ay isugu jiraan miinooyinka dhulka lagu aaso, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalada Stinger-ka ah iyo rasaasta loogu talagalay nidaamyada gantaalada ee Himars.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka uu sheegay, in Ukraine ay ka fukirayso in da’da ciidankeeda ee hada ah 25 sano jir, laga dhigo 18 sano jir, taasoo keeni karta in Kiev ay hesho ciidamo cusub oo ka qayb qaata dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka.
Hadal uu warbaahinta siiyay, sarkaalka Mareykanka ah – oo codsaday in aan magiciisa la shaacin – ayaa sheegay, in Ukraine ay doonayso inay abaabusho ama ay tababarto tiro ku filan oo askar cusub ah, si ay u baddalaan askarta looga dillay goobaha dagaalka.
Maamulka Biden ayaa taageero weyn siiya Ukraine, laakiin taageeradan ayaa la filayaa inay hoos u dhacdo marka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu xukunka la wareego horraanta sanadka soo socda