Maraykanka oo Shiinaha ugu Baaqay inay Wada-hadal kala Yeeshaan Iran Xiritaanka Marin-biyoodka Hormuz.

24
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Marco Rubio ayaa ugu baaqay Shiinaha, inay ka hortagaan in Iiraan ay xirto marin biyoodka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga saliidda cayriinka ah ee caalamka.

Wasiirkiisa arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay kanaalka Foksi  Niyuus ku yiri “Waxaan ku dhiirigelinayaa dowladda Shiinaha inay arrintan kala xiriirto Iiraan, maadaama ay iyada qudheeda si weyn ugu tiirsan yihiin marin-biyoodka Hormuz si ay u helaan shidaal,”.

Iyadoo aysan dowladda Iiraan si rasmi ah ugu dhawaaqin xiritaanka marin-biyoodka Hormuz, ayaa waxaa soo if-baxaya cabsida iyo qoob gariirka uu Mareykanku ka qabo haddii si toos go’aankaas qalinka loogu duugo, sida laga dheehan karo calaan-calka kasoo yeeray wasiirkiisa arimaha dibadda ee Mareykanka, kaas oo fariintiisa sii mariyay dowladda Shiinaha, maadaama ay xiriir wanaasan la leedahay Tehraan.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa shalay sheegtay, in baarlamaanka Iiraan uu ansixiyay in la xiro marin-biyoodka Hormuz, iyadoo go’aanka ugu dambeeya ee lagu xirayo marin biyoodka laga sugayaa golaha ammaanka qowmiga ah ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here