Maraykanka oo ugu Baaqay dawladda Qatar inay dalkeeda ka cayriso Siyaasiyiinta Xamaas.

16
0

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Jimcihii shalay:  in Maraykanka uu Qatar ku wargeliyay in joogitaanka Xamaas ee Dooxa aan la aqbali Karin, kaddib markii muqaawamada Falastiiniyiinta ay diideen, dhowrkii Toddobaad ee la soo dhaafay, soo jeedintii ugu dambeysay ee heshiis looga gaarayo xaaladda ka taagan Gaza. Waa siday hadalka udhigeene.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa intaa ku daray: in Qatar ay codsigan u gudbisay madaxda Xamaas Toban maalmood ka hor.

Shalay Jimcihii, xubno caan ah oo ka tirsan guddiyada aqalka sanatka ee Maraykanka ayaa warqad u diray wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’ado badan oo dawladeed oo ay ku jirto FBI-da Maraykanka, warqadaas ayaa ka koobnayd dhowr dalab oo ay ugu weyn tahay in la xayiro hantida masuuliyiinta Xamaas ee ku nool dalka Qatar.

Warqadda ayaa sidoo kale waxaa ku jiray, in Qatar ay joojiso martigelinta hoggaamiyaasha Xamaas, isla markaana ay dalkeeda ka ceyriso hoggaamiyeyaasheeda sare, oo ay ku jiraan Khaled Meshal iyo Khalil Al-Hayya.

Saxiixayaasha warqada ayaa sidoo kale ugu baaqay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka ninka lagu magacaabo Anthony Blinken iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaas ninka lagu magacaabo  Merrick Garland, in ay dadaal ugalaan sidii ay Maraykanka oogu soo gacan galin lahaayeen  Khaled  Meshal, oo ah madaxii hore ee xafiiska siyaasada ee Xamaas.

Warqadda ayaa lagu sheegay, in madaxda Xamaas ay ka faa’iideysteen joogitaankooda Qatar si ay ula kulmaan madaxda Iran, isla markaana ay u diidaan wada xaajood kasta oo macquul ah oo horseedi kara heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza, waana sheegashadooda dhagaraysan oo  ay ku khiyaamaynayaan ehelkeenna reer Gaza ee dulmi-diidka ah.

Balse ujeedka dhabta ah ee arintaan laga leeyahay waa in Xamaas cadaadis lagu saaro sidii ay usiidayn lahayd boqolaalka ciidamada Yahuudda katirsan ee ku  jeebaysan xabsiyadeeda, dhammaan hashiisyada lasoo bandhigana waa kuwa ay soo xarxariiqaan Yahuudda arxanka daran, waana kuwa u adeegaya danahooda gurracan oo kaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here