Maraykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay isga soo Baxaan Suuriya.

12
0

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ugu baaqay, inay isaga baxaan dalka Suuriya, waxaa digniin amni ah oo lagu daabacay baraha bulshada lagu sheegay, in xaaladda Suuriya ay tahay mid aan degganayn oo aan la saadaalin karin, iyadoo ay dagaallo dardar ku socda ay wadaan kooxo mucaaradka ee hubaysan.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanku ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga baxaan Suuriya, iyadoo ikhtiyaarrada safarka ganacsiga ay weli jiraan.

Jimcihii, ciidamada Nidaamka Suuriya ayaa lumiyay gacan ku haynta magaalada Daraa, oo xarun u ah dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada Suuriya, kaas oo billowday 2011-kii ee looga soo horjeeday xukunka Al-Asad, taasoo dhabarjab cusub ku noqotay Bishaar Al-Asad iyo kooxdiisa.

27-kii Nofembar, kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan ayaa bilaabay duullan ay ugu magac dareen “radul cudwaan”, iyagoo ka soo bilaabay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed ee dalka, waxaana u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan goobo istiraatiiji ah oo ay ka mid tahay magaalada Xalab, oo ah magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here