Maraykanka oo Yahuuda ugu deeqay nidaamka Difaaca ee THAAD.

40
0

Ilo-wareedyo katirsan warbaahinta Yahuuda,  ayaa sheegay in uu Maraykanku si degdeg ah ugu wareejin doono Yahuuda, nidaamka difaaca gantaallada casriga ah ee (THAAD), si ay uga caawiso ka hortagga khataraha ka iman kara gantaallada ballistic-ga ah ee Iran.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah codsigii maamulka Yahuudu uu udirsaday Mareykanka ee ahaa in ay kor u qaadaan awoodda ciidan ee ay kuleeyihiin gobolka, iyagoo u soo diray Yahuuda saanad  milateri  oo aad ubadan, taasoo ay u dheer tahay in ay ka caawiso dhinaca nidaamka difaaca hawada.

Dhanka kale, Channel 12 ee Yahuuda ayaa sheegay in nidaamka THAAD ay ka howlgali doonaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dhulka Yahuudu guumaysiga ku haysato ee Falastiin. Raadiyaha Ciidanka Yahuuda ayaa xaqiijiyay in nidaamkan difaac ay ciidamada Maraykanku dhigi doonaan dhamaan xarumaha muhiimka u ah Yahuuda ee kukala yaala dhulka ay Yahuudu guumaysiga ku haysto.

Waa Maxay nidaamka difaac ee THAAD?

Waxaa xusid mudan in nidaamka difaaca hawada ee THAAD uu yahay hab casri ah oo loo adeegsado difaaca gantaalada, waxaana loogu talagalay in lagu qabto laguna burburiyo gantaallada ballistic-ga inta aysan ku dhicin baltilmaameedkooda.

THAAD waxay u taagan tahay “Terminal High Altitude Area Defence”, waana qayb ka mid ah shabakada difaaca gantaalada ee uu Maraykanku ku ilaaliyo xarumihiisa istiraatiijiga ah, sida aqalka cad ee Maraykanka looga arimiyo iyo meelaha lamidka ah.

Nidaamkan difaac ayaa sidoo kale burburin kara  gantaalada wax weerara iyagoo ku socda xawaare aad u sareeya, taas oo keenaysa  inay ku qarxaan hawada ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Tan ayaa noqonaysa kaalmo difaac tii ugu saraysay oo uu Maraykanku ugu deeqo Yahuuda, tan iyo markii uu bilowday dagaalka duufaanta Al-Aqsa. Maraykanku wuxuu Yahuuda ugu deeqay hub aad uban isagoo banaanka soo dhigtay taageeradiisa ku aadan Yahuuda iyo nacaybka uu uqabo Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here