Maraykanka oo Yahuudda uga Digay Inay Weerar ku Qaadaan Dawladda Shiicada ah ee Iraan.

21
0

Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa shaaca ka qaaday inuu uga digay Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Banyamiin Natanyaahu, inuu qaado weerar milatari oo ka dhan ah Iran, maadaama ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Waashitoon iyo Tehran.

Taraam ayaa Yahuudda ku wargaliyay in weerar xilligan ah oo lagu qaado Iiraan uusan ahayn mid haboon, isaga oo u sababeeyay shirarka xiriirka ah ee wayadan u socday Maraykanka iyo Iiraan, kuwaas oo la filayo in Tehraan ay ku ogalaato inay hakiso samaynta Yuraaniyaamka Dalkeeda.

Digniintan ayaa timid xilli warbixino sirdoon ay muujinayaan in Yahuuddu ay isku diyaarinayso weerar kadis ah oo ay ku qaaddo Iran mudo kooban gudaheed, taas oo lala xiriirinayo qorshe uu Natanyaahu doonayo inuu ku dhaqaaqo xitaa haddii heshiis diblomaasiyadeed lagu gaaro wadahadala haatan u socda Maraykanka iyo Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here