Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Jimcihii shalay Khadka Telefoonka kula xiriiray Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, Axmed Cawad Bin Mubaarak, waxana uu kala hadlay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa weerarrada Xuutiyiinta ee gobolka, halka Qaramada Midoobayna ay cambaaraysay xarigga ay Xuutiyiintu u geysteen tiro ka mid ah shaqaalahooda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rubio iyo Bin Mubarak waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in la soo afjaro waxa ay ku tilmaameen khatarta Xuutiyiinta ee ku wajahan ammaanka marin-biyoodka badda cas iyo marin-biyoodyada kale ee ku xeeran, halkaas oo dhaqaalaha loosoo marsiiyo Yahuudda xoogga ku haysato dhulka Falastiin.
Sida lagu sheegay bayaanka, Rubio waxa uu tixraacay, fulinta amarkii uu soo saaray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in Xuutiyiinta lagu biiriyo waxa loogu yeero liiska argagixisada si loo xaddido dhaqdhaqaaqyada kooxda, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday, hammigiisa ah inuu sii wado taageerada uu siiyo dawladda taagta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Aden, si looga horgeeya maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo laf dhuunkashay ku noqday Mareykanka iyo xulafadiisa.
Arintaan ayaa kusoo beegmayso iyadoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu fiidnimadii jimcaha cambaareeyay, xarigga loogu geystay 7 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay aagga ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.