Mareykanka Oo Duqeeyay Xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

38
0

Dowladda Mareykanka oo weerar dhanka cirka ah ku qaaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla dalka Iran kuwaas oo kala ah: Fordow, Natanz iyo Isfahan. 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u sheegay in weerarkaas uu ahaa mid “guul weyn laga gaaray”, isagoo sheegay in dhammaan diyaaradihii weerarka qaaday ay hadda dib uga baxeen hawada Iran.

Trump ayaa ku qoray baraha bulshada in xarunta Fordow – oo ah xarunta ugu sirta badan ee Iran u adeegsato barnaamijkeeda nukliyeer ka ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn, isla markaana lagu dhuftay “xamuul bambooyin ah”.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii maamulka Trump uu ku qancay in gumeystaha Yahuuda ku fashilmeen dagaalkii ee kula jireen Iran.

  Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gumeystaha Yahuuda loo sheegay weerarka ka hor, iyadoo Maraykanku adeegsanayo diyaaradaha loo yaqaano B-2 oo awood u leh inay ridaan bambooyin culus oo daloolin kara dhismayaasha dhulka hoostiisa ah.

Arrintan waxay keeni kartaa cawaaqib halis ah iyo dagaalka ka qarxa gobolka oo dhan, maadaama laga cabsi qabo in Iran ay uga aargudato Mareykanka iyo ciidamadiisa ku sugan dhulka loogu yeero Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here