Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Anthony Blinken ayaa safarro hagardaamo ah, waxa uu ku marayaa dalal badan oo dhaca Bariga Dhexe, waxa uuna ku andacoonayaa inuu doonaya in la dhiso dawlad ay leeyihiin dadka Suuriya, balse hadafka dhabta ah ee socdaalkiisa waa sidii uu awudi lahaa al-baab kasta oo khatar ku keeni kara kayaanka Sahaayinada ee xoogga ku haysta Falastiin.
Wakaaladda wararka ee “Bloomberg” ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa sarkaal Ameerikaan ah oo aan magaciisa la shaacin, in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani inuu ka ilaaliyo Iran inay hub u dirto Suuriya.
Warbixinta Wakaaladda ayaa lagu sheegay in “Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken uu ka faa’ideystay booqasho aan la shaacin oo uu ku tagay Baqdaad, isagoo ka codsaday ra’iisul wasaaraha Ciraaq inuu ka hortago in Iiran ay dalka Ciraaq mar siiso hubka iyo qalab ku wajahan Suuriya.”
In kasto oo kooxaha hadda la wareegay dalka Suuriya aysan wax calaaqaad ah ka dhexeeynin iyaga iyo Iran, maadaama ay Sunni iyo Shiico kala yihiin, haddana waxa ay arintaa ina dareensiinaysa heerka ay dhantahay diifaaca uu Mareykanka la garab taagan yahay Yahuudda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda, Blinken wuxuu sidoo kale ka codsaday Al-Sudani inuu qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxaha Iran ay taageerto ee ku sugan Ciraaq, kuwaas oo waqti ka waqti weeraro ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaas.