Mareykanka oo Muwaadiniinta inka Badan 10 Dal oo ay Ku Jirta Soomaaliya Ka Mamnuucay inay Yimaadaan Dalkiisa.

9
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar muwaadiniinta 12 dal ka mamnuucaya inay soo galaan Mareykanka, isla markaana xaddidaya qeyb ka mid ah muwaadiniinta toddobo dal oo kale. Waxa uu sidoo kale mamnuucay in ay soo galaan ardayda ajaanibta ah ee doonaya inay wax ka bartaan Jaamacadda Harfaard ee waddankaas.

Amarkan waxa uu xannibaado dhammaystiran kusoo rogayaa dadka doonaya inay soo galaan Mareykanka ee ka imaanaya waddamada kala ah: Afghaanistaan, Miyanmaar, Jaad, Koongo, Gini Ikwaatooriyal, Eratrareya, Hayti, Iiraan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, iyo Yaman.

Trump  ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, xayiraado qayb ah oo la saaray muwaadiniinta dowladaha Burundi, Kuuba, Laws, Siri-Laanka, Toogo, Turkumaanistaan, iyo Fanazuweela, wuxuuna ballan qaaday inuu ku dari doono dalal kale haddii loo baahdo.

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aanka galabnimadii Arbacada ee waqtiga maxaliga ah ee dalkaas ayaa sheegay, in uu go’aamiyay in soo galitaanka muwaadiniinta dalalka qaarkood ee Mareykanka ay dhaawaceyso danaha Mareykanka haddii aan tallaabo laga qaadin.

Trump  ayaa dadka ajaanibta ah ku eedeeyay inay ka danbeeyaan weerarrada ka dhacaya gudaha Mareykanka ee sida gaarka ah loogu beegsanayo Yahuudda iyo ahdaafta taabacsan

Isagoo ku hadal qabsanaya weerar dhawaan ka dhacay gobalka Kuuluuraado oo si xun loogu dhaawacay Ameerikaan taageerayay maxaabiista Yahuudda ee wali ku xiran jeelasha muqaawamada Falastiiniyiinta ee Qazza ayuu yiri Doonal Trump  “Weerarkii Kuuluuraado wuxuu iftiimiyay khatarta weyn ee dalkeenna kaga imanaysa soo gelitaanka ajaanibta aanan si fiican loo baarin,”.

Sidoo kale, Aqalka Cad ayaa sheegay, in Trump  uu saxiixay amarkan si looga ilaaliyo Mareykanak inay soo galaan waxa ay ugu yeereen argagixisada iyo kuwa kale ee khatarta ku ah amniga qowmiga ah ee dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here