Wadahadallo labo maalmood Mareykanka iyo Shiinaha uga socday magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa ku dhamaaday heshiis, sida uu sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Heshiiskan cusub oo macluumaad kooban laga sii daayay ayuu Donald Trump sheegay, in Shiinuhu uu ogolaaday in uu shirkadaha Maraykanka u keeno macdanta naadirka ah ee ku jirta dhulkiisa, halka Maraykanku uu ka laaban doono hanjabaadii uu ku doonayay in uu kala noqdo fiisaha ardayda Shiinaha. Trump ayaa intaasi ku daray, in ogalaanshaha kama danbaynta ah laga sugaya labada madaxwayne.
Marka la fiiriyo dhanka canshuuraha xad dhaafka ah, sida u xaqiijiyay xoghayaha ganacsiga ee Mareykanka, waxay Labada dhinac gaareen hannaan lagu dhaqangelinayo heshiiskii horaantii bishii ina dhaaftay ay ku kala saxiixdeen magaalada Jineefa ee dalka Iswisirlaandi, kaas oo hoos u dhigayay canshuuraha cusub ee ay ku dhawaaqeen labada waddan tan iyo markii Trump uu bilaabay dagaal ganacsi ee cusub horaantii sanadkan.