Mareykanka oo Taageeray Duulaanka Yahuudda ee ka dhanka ah Dalka Suuriya.

15
0

Mareykanka ayaa muujiyay taageerada uu u hayo duulaanka Yahuudda ee ka dhanka ah dalka Suuriya, wuxuuna u arkaa mid ay isku difaacayso Sahaayinada.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay, in Yahuudda ay gashay aagga ka caagan dagaalka ee Suuriya, waxa uuna carrabka ku dhuftay, in sababta ay tahay in Sahaayinada ay ka walaacsan tahay waxa uu ku tilmaamay kooxaha xagjirka ah ee la wareegay gacan ku haynta Suuriya.

Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay, in duulaanka Yahuudda ee ka dhanka ah aagga ka caagan dagaalka ee Suuriya uu yahay mid macquul ah oo waafaqsan xuquuqda is-difaaca.

Sullivan ayaa ku  yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tel Aviv “Waxa ay Yahuudda samaynayso waa isku day ay ku ogaanayso khataraha ku iman karo, hadday ahaan lahayd hubka caadiga ah ama kan wax gumaada, kuwaas oo khatar gelin kara kayaanka Sahaayinada. Waxa uu intaa ku daray, in maamulka cusub ee Dimishiq uu noqon karo mid cadaw ku ah deriskiisa, oo ay ku jirto Yahuudda.

Tan iyo markii ay si lama filaan ah u burburtay xukuumaddii Bishaar Al-Asad bilowgii toddobaadkan,  Sahaayinadu waxa ay wadday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku gelayso aagga difaaca ee dhinaca Suuriya ee kala qaybiya buuraha Golan Heights ee la haysto, waxayna qaaday Boqolaal duqaymo ah oo ay ku burburisay hub iyo qalabyada ciidan ee dalka Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here