Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay, in uu si buuxda u taageeri doono in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Yurub la geeyo dalka Ukrain haddii uu Ruushka la galo heshiis uu ku soo afjarayo dagaalka uu halkaasi ka wado.
Mar la weydiiyay inuu taageersan yahay in la geeyo ciidamo ka socda Yurub oo qayb ka ah heshiiska, Trump wuxuu yiri: “Haddii ay rabaan inay taas sameeyaan, waa wax weyn, dhammaanteena waan taageersanahay.”
Trump ayaa xusay in Mareykanku uusan ku qasbanaan doonin in uu wax ciidamo ah ku biiriyo ciidamadaas, isagoo arinkaasi u sababeeyay inay aad uga fogyihiin.
Dhinaca kale, Trump ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay kadib markii Kiev ay ka cabatay in laga saaray wadahadalladii Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray Sacuudiga Talaadadii, ee ku saabsanaa soo afjarida dagaalka Ukraine.
Wuxuu sheegay in Ukraine ay heshiis gaari kartay sanado ka hor, balse ay walaac ka qabtay in laga saaro kulanka, isagoo sheegay in Yukreeniyaanka ay aheyd inay wadahadal la galaan Ruushka wax badan ka hor.
Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa dhawaan ka wada hadlay, in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Ukraine, si ay u bixiyaan dammaanad qaad amni haddii ay dhacdo in heshiis lagu soo afjaro dagaalka.