Markab Kaluumaysi oo Laga Lee Yahay Dalka Shiinaha oo Lagu Afduubtay Biyaha Soomaaliya.

23
0

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay, in markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha uu gacanta u galay kooxo la aaminsan yahay in ay yihiin burcad badeed ku sugan biyaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa intaa ku daray in kooxaha burcad badeedda ah ay gacanta ku dhigeen markabka iyo 18 qof oo shaqaale ka ahaa  Markabka, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah burcad badeedda ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa mar walba beegsada maraakiibta badda Soomaaliya kawada Kaluumaysiga sharci darada ah, waxayna mararka qaar ka qaataan lacago madax furasho ah oo aad ubadan, burcadan ayaa ubadan dad Soomaaliya oo ka kaluumaysta Badda ay ayagu lee yihiin ee Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here