Markab marayay badda cas oo la kulmay weerar.

37
0

Hay’ad qaabilsan hawlaha ganacsiga ee badaha oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay, in markab ku socdaalayay badda Cas oo koonfur galbeed ka xigta gobolka Xudeydah ee dalka Yemen, uu ku dhacay madfac aan la garanaynin halka uu ka yimid, isla markaana uu burbur soo gaaray.

Hay’adda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii Khamiista ee maanta, ku sheegtay in naakhuudihii markabka uu sheegay, in markabka lagu dhuftay gantaal aan la garanaynin, isla markaana uu khasaare soo gaaray, balse ma jiro wax dab ah oo ka kacay markabka iyo khasaare nafeed oo ka dhashay, isagoo intaas ku daray in hay’adaha ay khusayso arintaan ay wadaan baaritaan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay shaqaalihii la socday markabka, waxaana la sheegay in markabka uu usii shiraacan doona dakadda ku xigta.

Tan iyo markuu bilaawday dagaalka xasuuqa ah ee ay Yahuuddu ka wado Marinka Qaza, kooxda Xuutiyiinta ayaa bilaabay in ay bartilmaameedsadaan maraakiibta xamuulka ee Yahuudda leedahay, ama kuwa la xariira ee ku sugan Badda Cas, iyagoo mararbadan ku weeraray gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn tan iyo bishii November ee la soo dhaafay.

Mareekanka iyo Ingiriiska Iyagoo ka jawaabaya weerarradaas, ayeey horaantii sannadkan billaabeen inay weerarro ku qaadaan goobaha Xuutiyiintu ku suganyihiin ee dalka Yemen, taas oo ay kooxdu kaga jawaabtay inay ku dhawaaqday in ay u aqoonsanayso dhammaan maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska bartilmaameed millatari, oo ayna weerarradeeda ku balaarinayso maraakiibta mara badda Carabta, badweynta Hindiya, iyo meel kasta oo ay hubkeedu gaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here