Masar oo markii ugu horreysay ka hadashay hub ay ku wareejisay DF.

43
0

Dowladda Masar ayaa war rasmi ah kasoo saartay, hub iyo saanad ciidan oo duug ah oo ay shalay gaarsiisay magaalada Muqdisho. Masar ayaa xaqiijisay inay dawlada Fadaraalka ugu deeqday kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Federaalka, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

Bayaan goor dhow kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in shixnado hub iyo saanad ciidan ah laga dajiyay magaalada Muqdisho, si loogu xoojiyo waxa loogu yeeray la dagaalanka argagixisada oo loola jeedo qof kasta oo muslim ah oo aaminsan in diinta islaamka lagu dhaqmo, iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii dawaaan ay xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud la gashay dawlada Masar.

Bayaanka Masar, ayaa imanaya saacado un kadib markii uu dekedda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo Masar ugu tala-gashay dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha 70 jirka ah ee Xasan Sheekh.

Sida ay sheegayaan dad badan oo xog ogaal ah, hubka ay Masar ugu deeqday DF ayaa ah hub qadiimi ah oo kamid ah hubkii lagu dagaalamayay xilligii dagaalkii labaad, waxaana kuwa ay siisay kamid ah madaafiic ay dowladda Masar u isticmaasho iney shacabka Qaahira ku ogeysiiso bisha Ramadaan marka la gaaro xilliga afurka.

Muddooyinkii dambe, waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya DF iyo Masar, iyada oo dhawaan un ay aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho. Xiriirkan sii xoogaysanaya ayaa yimi kadib markii ciidamada Atmis uu usoo dhamaaday hawlgalkoodii duullaan ee Soomaaliya, kuna fashilmeen dagaalka iyo iney XSHM ka adkaadaan, iyadoo la filayo inay dalka isaga baxaan dabayaaqada sanadkan 2024ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here