Ciidamada Tuunis ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in ay soo badbaadiyeen 612 tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo isku dayayay, in ay gaaraan Yurub, balse ay badda kula qalibmeen laashashkii ay saarnaayeen,
Ciidamada dalkaas ayaa sidoo kale badda ka soo saaray, maydad 18 ruux, kuwaas oo kamid ahaa tahriibayaal kale oo sidoo kale ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
Sawirro laga soo qaaday xeebaha dalkaas ayaa muujinayay, dad aad u daalan oo mararka qaar ku qalabaysan aaladaha sabbeeya, waxaa sidoo kale lagu arkayay haween iyo carruur qaarkood u muuqday kuwo dhintay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.
Dadka badbaaday ayaa lagu soo samata bixiyay dhowr hawlgal oo ka dhacay gobolka Sfax ee dalkaas, kadib markii ay doonyihii ay la socdeen kula qalibmeen badda Mediterranean-ka.
Todobaad ka hor, ciidamada ammaanka ee Tuunis waxa ay burburiyeen teendhooyin ay ku noolaayeen dadka soo galootiga ah oo ku yaallay degmada Jebiniana ee gobolka Sfax, kadib markii ay goobta ka aloosantay xiisad u dhaxaysa dadka deegaanka iyo tahriibayaasha ka imanayay dalalka Saxaraha Afrika.