Maxaa ka Jira in Dowladda Chad ay Taageerto Malleeshiyaadka RSF ? [Warbixin].

24
0

Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Suudan iyo Chad, waa mid salka ku haya xiriir siyaasadeed, mid bulsho iyo mid amni intaba, iyadoo uu san meesha ka marnayn iskaashiga dhanka dhaqaalahah ee u dhaxeeya Labadan dal, dalalkan ayaa leh xiriiro ay nadirtahay in  Afrika laga helo wadamo sidan oo kale xiriir u leh. Iyadoo dalka Suudaan uu wajahayo colaado sokeeye, haseahaatee Balaaritaanada dagaaladan ay ku yeesheen xuduudahaLabadan dal ayaa u baahan Falanqayn xeel-dheer, si xal looguhelo iskaashi istiraatijiyadeed oo dheellitiran, kaas oo ilaalinayadanaha guud ee Labada dal iyo caqabadaha amni ee ka jira.

Suudan iyo Chad waxa ay wadaagaan xaalado isku mid ah, kuwaas oo ah mid juquraafi iyo mid siyaasadeed intaba, waxaana arintan ku midaysan is dhexgalka bulsho ee ka jiraLabada dal, taas oo muujinaysa 13-ka qabiil ee kala dagaxuduudada ay wadaagaan Labadan dal, kuwaas oo wadaagaxuduud ku dherersan illaa 1,403 kilomitir, xuduudkan ayaa ah kan ugu dheer marka laga reebo xadka Suudan uu la wadaagoKoonfurta Suudan. Si kastaba ha ahaatee, waxa adag in lakalasooco xadka Labadan dal u dhaxeeya, laakiin xuduudkan kala teeda Suudaan iyo Chaad ayaa leh taariikh Adag oo soo jireenah, taas oo taagnayd tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay Chad 1960-kii.

Marka laga Taariikhaynayo  Labadan dal, waxaad arkaysaaxuduudaha u dhaxeeya inay ka dhignaayeen arrimo saamayn kuleh Nolosha dadka, mar waxay u ahaayeen marin ganacsi ooLabada dhinacba ay ka helaan dakhli maaliyadeed, halka marnauu ahaa meel laiskaga gudbiyo hubka.

Qulqulka hubka ee ka imaanayay dhanka Chad, wuxuu xoojiyaycolaadaha soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Qabaailka Darfurka eesalka ku haya daaqsinka, taas oo horseeday dhaqaallo xumobaahsan oo soo food saartay dadka ku dhaqan Labadan dal. Qalalaasaha Darfur ayaa tan iyo 2003-dii safka hore kaga jiraywarbaahinta caalamka.

Marka la eego waqti xaadirkan, xiisadda Labada dal waxaygaartay heer aan horay loo arag. Suudan oo wajaheysa xaaladkhatar ah oo dhanka gudaha ah ayaa u gudbisay guddigahay’adaha sheegta xuquuqul insaanka ee Afrika, cadeymoiskugu jira dhokumentiyo iyo muuqaallo, iyadoo ku eedeysayChad inay taageerto jabhadda RSF, ee dagaalka adag kula jirtaDawladda Suudaan.

Dawladda Chad ayaa beenisay dhamaan eedeymaha loo soojeediyay, waxayna ku nuuxnuuxsatay inaysan ku lug lahaynhurinta colaadda Suudaan. In kasta oo uu arintaas mugdi badan ku jiro, haddana waxaa jirta fursado lagu doonayo in laguhagaajiyo xiriirka Labadan dal.

Qabaa’ilka Carabta ah ee ka soo hayaamaya Waqooyiga iyoBariga dalkaas ee isku fidinaya deegaanada saxaraha ah ee u dhaxeeya Suudaan iyo Chad ayaa xiriirka dhaqanka iyo is-dhexgalka bulshada gacan ka gaystay, taas oo kor uqaadayxoojinta xiriirka bulshada Labada dal. Isla arrimahan ayaasababay in khilaafka u dhaxeeya bulshooyinka ku kala noolLabadan dal uu sii xoogaysto, taas oo keentay in colaadaqabiiladu ku fido gobalka oo dhan.

Dagaalada u dhaxeeya qabaailka Darfurka ayaa marba marka ka dambaysa kasii darayay, ayadoo loo aanaynayo taageeradahubka ee ka imanaysa dhanka Chad, sidaas si lamida dawladdaSuudaan ayaa ayaduna dhankeeda taageero siisay kooxahamucaaradka ku ah xukuumada Chad, taas oo gobalka ka abuurtay xaalad xasillooni-darro ah.

Qalalaasaha hadda ka taagan dalka Suudaan ee u dhaxeeyaciidamada Suudaan iyo maleeshiyaadka taageerada degdega ah ayaa sii xumaynaya xiriirka Labada dal, kaddib markii xadka u dhaxeeya Labadan dal uu noqday goobo ay ka jiraan xiisadoamni iyo mid bulsho intaba.

Qaxooti badan oo Suudaaniyiin ah ayaa sidoo kale galay gudahadalka Chad, iyadoo dalkiisi uu marti galiyay in ka badan halMilyan oo qof oo si qasab ah loogasoo barakiciyay dalkooda, waxayna tirada qaxootiga Suudaaniyiinta ah ee ku sugan dalkaChad gaaraysaa 1.1 Milyan oo qof, oo ay ku jiraan 700 Kun ooqaxooti ah oo qaxay tan iyo bilowgii dagaalka bishii April eesannadkii 2023-ka, halka 400 Kun oo qof ay horay qaxooti uguahaayeen dalkaas.

Chad ayaa ah dal ay ku sugan yihiin qaxootiga ugu badan eegobalka, Hay’adda UNHCR ka ee shaqaya arimaha qaxootiyadaoo taageero ka helaysa hay’adaha kale ee Qaramada Midoobayiyo 40 NGO-yo ah, ayaa hoggaaminaysa isku dubbaridkadadaallada wax ka qabashada qaxootiga ee lagu taageerayoDowladda Chad. Joogitaanka dhaqdhaqaaqyada hubaysan eeLabada dhinac ee xuduudka ayaa gacan ka gaysnaya kor u kacadhaqdhaqaaqyada militari, taas oo kor u qaadaysa cabsidadhabta ah ee khatarta ku haysa amniga dalka Chad.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in xaaladdan caksigeedu ay jirtaysannadkii 2007-dii, iyadoo Hay’ada UNHCR ay boqollaalqaxoonti reer Chad ah ku wareejisay dalka Suudaan, iyadoo ka duulaysa codsiyada qaxootiga, Sababo la xiriira ammaanla’aanta ka jirta xadka u dhexeeya Suudaan iyo Chad.

In kasta oo uu jiray heshiis amni oo wadajir ah illaa 2010-kii, dhacdooyinkii u dambeeyay ayaa muujinayay xiisadda siikordhaysa. Xaalada ayaa si weyn u cakiran kaddib markii qaarka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka Chad oo tababar kuqaadanayay xarumaha Maleeshiyaadka Taageerada Degdega ah iyo ciidamada calooshood u shaqaystayaasha Vagner, ayaa kudhawaaqeen rabitaankooda ah inay ka faa’ideystaan ​​dagaalkaSuudaan, si ay ugu dhaqaaqaan inay ay xukunka ka tuuraanmaamulka Chad.

Xiriirka dhow ee ka dhexeeya xaaladaha amni iyo midkasiyaasadeed ee Labada dal, ayaa ka tarjumaysa habacsanaanta ka jirta xuduudka ay wadaagaan, taas oo had iyo jeer ah mid colaadeed oo ay ka jirto faragelin Militari. Haddaba, samayntaxiisado khal khal galiya amniga gobalka, ayaa sii xumayn kartaistiraatijiyadda deris-wanaagga, taas ayaa ah arin taban ookhatar weyn ku ah amniga qaranka, iyadoo aan loo eegin danahaku meel gaarka ah.

Xiriirka ka dhexeeya Khartoum iyo N’Djamena ayaa ahaa miduu culays ku hayo khilaafyada ka dhashay xukuumadihii kala dambeeyay ee siyaasada dalalkan iska dhaxlayay, sidaas silamida gumaystaha ayaa isna qayb wayn ka ahaa curyaamintamidaynta bulshooyinka walaalaha ah ee kala daga Labadan dal.

Isticmaarka ayaa sameeyay kala qaybsanaanta qawmiyadeed, wuxuuna abuuray xasaradaha ka jira xudduudaha, arintanayaana qayb wayn ka qaadatay hurinta colaadaha iyo wiiqiddaxiriirkii dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhaxeeyay Bushooyinkadaga Labadan dal, Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa jirayxiriiro kale oo wadashaqeyneed, sida saxiixida heshiisyo amniiyo hindise wadajir ah oo ay Labada dalba ka helayeen dhaqaale, laakiin dadaalladaas ayaa inta badan ahaa kuwo ku meel gaar ah, oo ay ku xiran yihiin isbedbeddelada siyaasaddeed ee gobolka.

Maanta, xiisadda Suudaan ayaa u muuqata fursad cusub oo dib loogu habeynayo xiriirka Labada dal oo saldhig u ah iskaashigaamniga iyo horumarinta gobalka. Iskaashi dhanka amniga ah oolagu xakameynayo xuduudaha loogana hortagayo sii hurintacolaadaha ayaa laga yaabaa inay noqoto talaabadii ugu horeysayee loo qaaday xasilinta gobolka, taas oo u baahan rabitaansiyaasadeed oo dhab ah.

Qaybo kamida qabaa’ilka Labadan dal ayaa loo tixgaliyaa inayyihiin qabaailo daga Labada dal. Kala qaybsanaanta bulshadaayaa si aada looga dareemayaa dhinaca xuduudka Chad, siisocoshada dhibaatadan ayaana keenaysa inay sii xumaatoxaalada gobalka, waxayna ka dhigan tahay hoos u dhigista harkiidawladnimada ee Labada dal, sidaa darteedna ay danta Labadadal ku jirto inay iska kaashadaan joojinta dhibaatada. mana jirtowaddo loo maro oo aan ka ahayn dadaal wadajir ah.

Iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Suudan iyo Chad ayaa haystafursado waaweyn oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatijiyadeed eeLabada dal, gaar ahaan kaddib markii iskaashigii hore eedhinaca amniga ee xilligii Madaxweynihii Suudaan Cumar Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Chad Idriss Deby ay keentayxasillooni la yaab leh oo ka hirgashay xuduudka ay wadaagaanLabada dal.

Xasiloonidaas waxay dhiirigelisay ku tallaabsiga mashaariicwaaweyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, oo ay ku jiraan dhoofintasaliidda Chad iyadoo lasii marinayo dhulka Suudaan. Mashruucu waxa uu ku lug lahaa in la dhiso dhuumo isku xiraBariga Chad illaa dekedaha Suudan ee ku yaalla badda cas, taasoo keeni lahayd faa’iidooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed, taasoo an ku koobnayn Chad iyo Suudan oo kaliya, balse sidoo kale keeni karta inay wadamada deriska la ah ku biiraan iskaashinoocaas oo kal ah.

Waxaa xusid mudan in Suudaan ay leedahay dhuumahashidaalka ee ugu dheer Afrika, taas oo hadda saliidda loogudhoofiyo dalka Koonfurta Suudaan, waxaana laga yaabaa inayhoos u dhigto kharashaadka ku baxaya samaynta dhuun cusub, maadaama kuwa hadda jira laga samayn karo laamo u gaar ah shidaalka Chad.

Waxa kale oo jira mashaariic kale oo is dhexgalka dhaqaale ah, sida mashruuca isku xirka tareenada, kaas oo fulintiisa laguabaalmariyey shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, iyo jidkaisku xira magaalada Suudan ee Geneina iyo magaalada Abecheee dalka Chad, kaas oo qayb kamida ay maalgelinayso dawladdaQatar. Mashruucyadani waxay ka tarjumayeen rabitaankasiyaasadeed ee lagu horumarinayo isdhexgalka gobolka, gaarahaan dalka Chad oo ah waddan juqraafi ahaan xiran oo aanlahayn wax xeeb ah, wuxuuna dalkaas ku xiran yahay dekedahadalalka deriska la ah si uu u xaqiijiyo ganacsigiisa dibadda.

Dagadda Port Suudan oo ku taalla badda cas ayaa ah ikhtiyaarkaugu fiican uguna dhow juqraafi ahaan dalka Chad. Marka la barbardhigo dekedaha Douala ee Cameroon ama Lomé ee Togo oo dhacda xeebta Atlantic, Port Sudan waa mid aad u dhow waxayna leedahay gaadiid dhuleed oo sahlan, taas oo si weyn u yaraynaysa kharashka gaadiidka iyo dhoofinta, iyadoo dhankakalana xoojinaysa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeyaLabada dal.

Horumarinta marinnada dhulka ee u dhexeeya bariga Chad iyoSuudaan waxay ka dhigi doontaa Port Sudan marin istaraatiiji u ah badeecadaha, hadday tahay kuwa la soo dejiyo ama lagadhoofiyo, gaar ahaan agabka culus sida saliidda iyo wax soosaarka beeraha. Iskaashiga dhanka tamarta ayaa sidoo kale yeeshay weji muhiim ah, iyadoo Labada dal ay kala saxiixdeenheshiis ku saabsan dhoofinta shidaalka iyo sahamintakheyraadka ay wadaagaan, waxaana u sii dheer, dhismahawarshadda sifeynta shidaalka, iyo xarun koronto oo laga dhisayoChad.

Inkasta oo dhibaatada Suudaan ee hadda jirta ay saameyn xun kuyeelatay ganacsiga u dhexeeya Labada waddan, kaas oo intabadan ku xiran ganacsiga aan rasmiga ahayn, hadana iskaashigadhaqaale ee u dhexeeya Suudan iyo Chad ayaa weli ah fursadistiraatiiji ah.

Horumarinta kaabayaasha gaadiidka iyo ka faa’iidaysiga uguwanaagsan ee Port Suudan waxay Suudan ka dhigi kartaa albaabweyn oo sidoo kale ay ka faa’idaystan dalalka aan xeebaha lahayee dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika. Waa haddiiIskaashatooyinkaas laga helo rabitaan siyaasadeed iyodhaqaalaha lagama maarmaanka ah.

Quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa dawr halis ah ku leh qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan, kuwaas oomawqifkoodu uu kala duwan yahay, marka la eegoajandayaashooda iyo danahooda gaarka ah ay ka leeyihiinSuudaan, taas oo adkeynaysa suurtagalnimada in la gaaroheshiis buuxa.

Tusaale ahaan Masar, waxa ay ciidamada malatariga ee Suudanu aragtaa kuwa xoojinaya amnigeeda, gaar ahaan marka la eegowebiga Niil iyo ilaalinta xuduudka, waxayna taageertaaciidamada Suudaan, iyadoo u aragta inay yihiin kuwadammaanad qaadaya xasiloonida, kaasina waa mawqif ay ka dhex aragtay danaheeda.

Taa bedelkeeda, Itoobiya waxay qaaday Labo wadda oo iska soohorjeeda, iyada oo sheeganaysa inay ka qaybqaadanaysadadaallada nabada, ayay hadana dhanka kala waxay ka faa’iidaysanaysaa qalalaasaha Suudan si ay kor ugu qaaddosaamaynta ay ku leedahay gobolka, gaar ahaan xaaladdamuranka xudduudaha ee kala dhexeeyo Suudaan iyo arrinta biyoxireenka Al-nahda.

Dawladda Chad dhankeeda waxa ay gashay xaalad cakiran; Taageerada ay siiso Maleeshiyada Taageerada Degdegga ah waxay ka hor imanaysaa danaha dalalka waaweyn sida Masar, iyadoo ay lagama maarmaan utahay Chad inay isku dubariddagobolka, si looga fogaado iskahorimaadyada danaha dalalkaas.

Intaa waxaa dheer, Chad waxay ku tiirsan tahay taageeradacaalamiga ah, gaar ahaan Faransiiska iyo Mareykanka, si korloogu qaado awooddeeda amniga, taas oo si weyn u saameynaysa siyaasaddeeda ku wajahan Suudaan. Taageeradaniwaxay awood u siinaysaa quwadaha caalamiga ah inay saameynku yeeshaan go’aamada Chad, sida Faransiiska, kaas oo doonayainuu ilaashada danahiisa ka dhanka ah dawladaha SaaxilkaAfrika.

Sidaa daraadeed, reer Chad waxa ay ku jiraan Labo dhagax-shiidmarka ay isku dayayaan inay isku dheelitiraan danahoodaistaraatiijiyadeed iyo shuruudaha taageerayaashooda.

Falanqeeyayaasha ayaa ku talinayo tallaabooyinkaan soo socda, si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan Suudaan iyoChad, waxaa la samayn karaa habab wax ku ool ah oo laguxakameynayo xudduudaha si looga hortago in kooxahahubeysan ay soo galaan, waxaana la wanaajin karaa iskaashigamilatari iyadoo loo marayo heshiisyo amni iyo koorsooyintababar oo wadajir ah si loo dhiso kalsoonida labada dhinac.

Horumarinta goobaha dhaca xuduudaha ayaa sidoo kale mudnaanta koowaad leh, iyada oo la maalgashan karo mashaariic horumarineed oo hoos u dhigaya heerkasaboolnimada, korna u qaadaya xasiloonida, taas oo ay dheertahay in la sameeyo goobo ganacsi oo xor ah si loo dhiirigeliyoganacsiga.

Dhinaca dublamaasiyadda, wada-hadallada siyaasadeed  waa in la xoojiyaa iyada oo loo marayo waddooyin Labo geesood ah iyo kuwo goboleed si loo xalliyo mashaakilaadka ka horintaysan sii fidin, iyada oo la dhiirigelinayo dhexdhexaadin heergobol iyo heer caalami ah, si ay gacan uga geystaan ​​xallintakhilaafaadka. Iskaashiga labada dal ee dhanka qaxootiga waalagama maarmaan si loo bixiyo taageero bini’aadantinimo iyo in la hubiyo in qaxootiga aan looga faa’iidaysan sidii qalabcolaadeed oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalladan ayaa wajahaya caqabadobadan, oo ay ugu horreeyaan tirada badan ee dhinacyada aandowliga ahayn sida maliishiyaadka iyo kooxaha hubeysan eecaqabada ku ah taabagelinta xasilloonida, iyo daciifnimadahay’adaha qaranka ee labada waddan, taas oo xaddidaysaawoodda fulinta heshiisyada wadajirka ah. Intaa waxaa dheer, saameynta caalamiga ah, maadaama qaar ka mid ah quwadahadibadda ay isku dayi karaan inay ka faa’iidaystaan ​​​​isku dhaca siay u gaaraan ajandahooda gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here