Sidiy Timan, waa saldhig milatari ay gumaystaha Israa’iil ku leeyihiin bartamaha saxaraha Neqab ee koonfurta Falastiin.
xabsiga ayaa qiyaastii 30KM u jira magaalada Gaza.
Waxaa xabsi Sidiy Timan, loogu magac daray Guwantanamada Yahuuda iyadoo laga tixraacayo xabsiga Maraykanka ee Guwantanamo, oo ku caan baxay sumcad xumada iyo tacadiyada ka dhanka ah maxaabiista.
Xabsiga Sidiy Timan, waxaa ku xiran dad gaaraya 700 ilaa 1000 oo muslimiin ah.
Maxaabiista ku xiran xabsiga Sidiy Timan ayaa la kulma jir dil, kufsi iyo koronto lagu qabto jirkooda.
Maamulka xabsiga ayaa qirtay in xabsiga lagu dhex dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza 7-dii October ee sanadkii hore, 36 maxbuus oo intooda badan ay gumaystaha Yahuuda ka soo qabteen magaalada Gaza.
Qaduura Fayez, oo ah madaxa guddiga maxaabiista Falastiiniyiinta oo ka hadlaaya tacadiyada ay u gaysataan Yahuuda maxabiista ayaa yiri: Waxyaabaha Israa’iil ay jirdilka iyo xadgudubka maxaabiista u gaysanayso waxaa ka mid ah aamusnaanta hay’adaha quseeya arimaha maxaabiista.