Maalintii shalay waxaa ka dhacay magaalada Bir-Alsabca oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn uguna da’da weyn ee Falastiin weerar kaligii duulnimo ah.
Weerarka ayaa lala beegsaday gumeystaha Yahuuda waxaana u suurta gashay halyeeygii weerarka qaaday in uu qoriga ka qaato askariyad katirsan ciidamada gumeystaha Yahuuda.
Raadiyaha ciidamada gumeystaha Israa’iil ayaa xaqiijiyay in askariyad katirsan ciidanka gumeystaha la dilay, 10 kale la dhaawacay.
Waa Kuma Halyeeyga Weerarka Fuliyay?
Waxaa lagu magacaaba dagaalyahanka weerarka halyeeynimo fuliyay Axmed Siciid Al-Caqbi, oo deggan tuulada Baadiyaha ee Xura ee Al-naqab oo ay gumeystahu qabsadeen sannadkii 1948-kii.
Dagaalyahan Axmed Siciid Al-caqbi ayaa ah 29 jir, waxa uu qaraabo la yahay Muhannad Al-caqabi, oo weerar toogasho ah fuliyay sannadkii 2015-kii.
Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo dhaweeyay howlgalka waxa ay ku tilmaameen howlgal geesinimo, ayagoo sheegay in uu howlgalkaan uu yahay mid lagu difaacayo muslimiinta reer Falastiin sidoo kale looga hortagaayo gumeystaha wada dagaalka dabar goynta ee ka dhanka ah muslimiinta.