Qoraa reer galbeed ah oo lagu magacaabo Stig Jarle Hansen, waxna ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Norway, ayaa maqaal uu qoray wuxuu kaga hadlay sirta ka dambeysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kudhawaad 20 sano ay weli tahay awood jirta, oo ka hortagtay isku dayada lagu doonayay in lagu wiiqo.
Qoraagan oo horey u daabacay buugaag iyo buxuuth ka hadleysa arimaha Jihaadka Afrika, ayaa maqaal uu ku daabacay website-ka The Conversation, wuxuu ku sheegay in asbaabo dhowr ah oo isbiirsaday, ay u suurogeliyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iney weli ahaato awood dhisan oo jirta, oo ay iska difaacday isku dayada lagu doonayay in lagu tirtiro.
“ Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, muda kusiman 18 sano ayay ka aas-aasantaya Soomaaliya, sanadkii 2006-dana waxay katirsaneyd maxkamadihii Islaamiga ee maamulayay Muqdisho, weli waa mid awood badan oo xoog leh sidaba ay ahaan jirtay” ayuu leeyahay qoraagan reer galbeedka ah ee qoray maqaalkan.
Isagoo sii wata qoraalkiisa, wuxuu Stig Jarle Hansen sheegayaa, in sanadkii 2012-ka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku biirtay shabkadda caalamiga ah ee Al-Qaacida, illaa yo waqti xaadirkan ayuuna tilmaamay iney Al-Shabaab tahay xarako dhaqan maaliyad ahaan, awoodeeda iyo cududeeda milliterina dhowratay.
Marka laga haldayo asbababaha u horseeday iney sii jirto Xarakada, wuxuu qoraagu leeyahay waxaa kamid ah caqliyadda iyo caqiidada reer galbeeka ee khaldan, taasoo uu sheegay iney xooga saareyso in la hirgeliyo nidam dimquraadi ah, oo aan waxtar lahayn, amnina u horseedeynin bulshada.
Sidaas darteed Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay shacabka Soomaalida u arkaan iney tahay awood lagu tiirsanaan karo, oo ka difaaci karta weerarada ay geysanayaan kooxaha burcadda ah, ee doonaya iney dhacaan bulshada, ama ayba dilaan.
Wuxuu sidoo kale tilmaamayaa qoraagan reer galbeedka ah, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u yeelatay iney si dadban u maamusha xitaa deegaannada iyo magaalooyinka ay gacanta ku hayaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo ciidamada afrikaanta ah , maamul wanaaga Xarakadana uu horseeday in ganacsatada iyo qeybaha bulshada ay si wanaagsan ula macaamilaan maamullada Wilaayaadka Islaamiga ah, oo ay hantidooda ka bixiyaan Zakada.
Sababka saddexaad ee ka qeyb qaatay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab noqoto awood Islaami ah oo ku xidideysatay Soomaaliya, wuxuu qoraaga maqaalkan ee lagu magacaabo Stig Jarle Hansen sheegayaa inuu yahay nidaamka garsoorka ee mujaahidiinta.
Wuxuu sheegay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin , loo arko iney tahay awood ilaalineysa shacabka, tafsiirka Axkaamta Shareecada ee adag, oo uu ula jeedo fulinta Xuduudaha sharciga ah, ayuuna sheegay iney u horseeday in dadku ay ixtiraam hannaanka maamulka Islaamiga ah, si fudud oo dhega nugulna u qaataan go’aannada kasoo baxay hay’adda Garsoorka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo sii wada soo bandhigidda asbaabaha ay la tahay iney ka qeyb qaadatay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iney sii xoogeysato, wuxuu sheegay in Alshabaab ay xooga saaraan macaamilka wanaagsan ee ay siineyaan qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Waxaa ka dhisan wilaayaadka Islaamiga ah, golayaal ay ku mideysanyihiin odayaasha dhaqanka, sidaasi darteed waxaa fududaatay in Xarakada Al-Shabaab ay ka hortagto isku day weliba oo lagu doonayo in la isaga hor keeno maamullada Wilaayaadka Islaamiga ah iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Habacsanaanta iyo taagdarida ciidamada dowlada Soomaaliya, ayuu qoraaga maqaalka lagu daabacay website ka The Conversation tilmaamayaa, iney qeyb ka tahay waxa keenay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay noqoto awood aan la dhayalsan karin.
Wuxuu sheegayaa inkastoo Maraykanka iyo Turkiga ay tababareen maleeshiyaat badan oo Soomaali ah, hadana weli awoodda ciidankan aanay ahayn mid xoogan, asbaabaha taagdarida u keenayana ay kamid tahay musuq-maasuqa iyo iyagoo lagu qoro asaas qabiil oo aaney lahayn ujeeddo ay u dagaallamaan.
Dhanka kale, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab heysataa dhul ballaaran oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay qoraagu iney mujaahidiintu ka hirgelisay hannaan maamul oo sal adag leh, kaasoo dhisan inkabadan 15 sano oo xiriir ah.
Inta badan maraakizkta diraasaatka reer galbeedka iyo kuwa Afrika, khubarada ka faallooda waxa loogu yeero arimaha argagaxisada iyo warbaahinta noocyadeeda kala duwan, ayaa soo saara warbixinno ka faallooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka arimisa qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warbixinnadan ayaa midba dhinac xooga saarta, haddii ay ahaan lahaayeen arimaha maamulka, ciidanka, amniga iyo warfaafinta, waxay mararka qaar soo bandhigaan xaqaa’iq rasmi ah oo ay qarin kari waayeen, taasoo ka muuqata mash-hadka siyaasadeed iyo midka maamul ee dalka Soomaaliya.
Xaqiiqooyinkaas aanay dafiri karin, marar badanna soo hadal qaadeen, waxaa kamid ah hufnaanta nidaamka garsoorka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxqabadka maamullada Wilaayaadka Islaamiga ah, kartida iyo awoodda ciidamada mujaahidiinta , dadaalka iclaamka iyo dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo horseeday in Soomaali badan ay ka daa-degto xaqiiqda siraaca ka alloosan wadanka Soomaaliya.