Maxaan ka Ognahay Asbaabaha Qofka Ugu Kaalmeyn Kara in Arzaaqda loo Waasiciyo?[WARBIXIN]

43
0

Allaah Subxaanahu Watacaalaa waxa uu adoomadiisa amray ineY dhulka ku socdaan, iyagoo risqi iyo kasab xalaal ah dalbaya, naftana gaarsiinaya iney isku filnaansho gaarto oo ay ka maaranto baahida dadka, waxa uu Allaah Qur’aanka Kariimka ah ku yiri: : { هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ } (الملك: 15).

Dad badan aYaa ka sheeganaya arzaaqda oo ciriir ku ah iyo barako yari, Haddaba waxaan warbixintaan kusoo budbin doonnaa insha’allaah, asbaabo qofka ka saacida inuu Allaah arzaaqda usakhiro, kuwaas oo kusoo arooray aayaadka Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiithta Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam.

Qodobka ugu horreeya ee kamid ah asbaabta arzaaqda usoo jiida bani’aadamka waa Alle ka cabsiga, Allaah subxaanahu watacaalaa waxa uu Qur’aanka ku yiri” {ومن يتق الله يجعل له مخرجا ويرزقه من حيث لا يحتسب}

Haddaba Alle ka cabsiga ay arzaaqdu kusoo degto, islamarkaana barakaatka lagu helo waa mida uu gartay saxaabiga jalilka ah ee Cali Ibnu Abii Daalib, kaas oo yiri: “Waa in laga cabso Alle weyne, lagu camal falo kitaabka uu soo dajiyay, raali lagu noqdo wixi yar ee uu Alle ku siiyay, loona diyaar garoobo maalinta Qiyaamaha”.

Saxaabiga Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa isana laga wariyaa inuu yiri: “Taqwada waa inaad Allaah adeecdaa oo aadan ku caasin, waa inaad isaga xusuusnaataa oo aadan hilmaamin, aadna ku shukrigaa nimcooyiniisa oo aadan ku kufrin”

Qodobka labaad waa istiqfaarta, Allaah subxaanahu watacaalaa waxa uu yiri: {فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا . يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا . وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا}[نوح:10-12].

Xadiith uu Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdee ka wariyay Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam ayuu suubanuhu ku yiri: “Qofkii Istiqfaarta laazima waxa uu Allaah ciriiri walba uga saaraa meel uu uga baxo, Murug kasta oo heysana faraj ayuu ugu badalaa, waxa uuna arzaaqad ka siiyaa meel uusan filaneyn”

Al-Imaad Al-Qurdubi isagoo tafsiirinaya aayaddaan waxa uu yiri: “Waxay aayaddaani na tuseysaa in istiqfaarta lagu soo dajiyo arzaaqda iyo roobka” Sidoo kale Ibnu Kathiir isana waxa uu leeyahay: “Haddii aad Allaah utowbad-keentaan oo aad dambi dhaaf weydiisataan, islamarkaana aad adeecdaan, arzaaqda ayaa la idiin badinayaa, waxa uuna idinka waraabinayaa barakaatka samada ka imaanaya, waxa uuna idiin soo saarayaa kheyraadka dhulka, isagoo idiin siinayaa hanti iyo ubad”.

Qodobka saddaxaad waa inaad si dhab ah utala saarataa Allaah Subxaanahu Watacaalaa, Taas oo ah in qofka uu qalbigiisa ku xiro Allaah, uuna ugarto inuu yahay kan nafci u keeni kara dhibkana ka dafcin kara, arzaaqda uwaasicin kara arrimahana ufududeyn kara, Allaah waxa uu yiri: {ومن يتوكل على الله فهو حسبه}[الطلاق: ]

Saxaabiga Cumar Binu Khaddaab ayaa laga wariyay in Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallama uu yiri: ‘Haddii aad Allaah talo saran laheydeen talo saarasho dhab ah, waxa uu idiin arzaaqi lahaa sida shibirta oo kale, oo iyadoo gaajeysan ayay kallaheysaa, waxayna soo carraabeysaa iyagoo dhargan”

Qodobka afaraad waa xiriirinta qaraabada, Allaah tabaaraka watacaalaa waxa uu xiriirnta qaraabada ka yeelay sabab uu arzaaqda ku waasiciyo, barkana uu ku helayo qofka qaraabada xiriiriya, taas oo uu ka dareemayo maalkiisa, ubadkiisa caafimaadkiisa iyo cumrigiisa.

Abuu Hureyra ayaa nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallama ka wariyay inuu yiri: “Qofkii doonaya in arzaaqda loo waasiyo cumrigana loo dheereeyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.

Qaraabada ayaana ah kuwa qofka uga xiga xagga hooyo ama aabbe, xiriintooda ayaana noqon karta in laa booqdo, in loo turo xaalkoodana laga war hayo, in kuwadooda xanuunsan la booqdo islamarkaana lala qeybsado farxadda iyo murugada, baahiyadooda la daboolo, furaqadooda iyo masaakiintoodana wax la taro.

Qodobka shanaad ee arzaaqda lagu helo barakadana kuusoo jiidaya waa in aad Alle dartii wax ula baxdaa oo aad badisaa sadaqada, hadii ay ahaan laheyd midda ku baxeysa Jihaadka iyo abwaabta kale ee kheyriga ah, xadiith uu Abuu Hureyra warinayo ayuuna nabigu ku yiri: “Majirto maaalin ay adoomadu waabariistaaan illaa waxaa soo daga laba malag, midkood waxa uu oranayaa Allow kii wax bixiyay badalkeeda sii, kan kalana waxa uu leeyahay, Allow kii aan wax la bixin ee isku dhajiyay ka baabi’i”

Qodobka lixaad, waa in la is raaciyo oo la isku daro Xaj iyo Cumro, kumana sii jirto xlilligaan oo ay takaaliifta safarradu bateen, dadka qaarkiina ay ka gaabiyeen arrinkaas, waxa uuna Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam sheegay in haddii la si raaciyo Xajka iyo Cumrada ay meesha ka saarayaan faqriga iyo dunuubta, sidaba uu dabku wasakhda iyo daxalka uga tirtiro birta, dahabka iyo fidada.

Qodobka todobaad waa guurka iyadoo dhowrsanaan la dalbayo, taas oo uu Allaah kamid dhigay asbaabaha arzaaqda lagu helo, waxa uuna Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri: {وَأَنكِحُوا الْأَيَامَىٰ مِنكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْۚ إِن يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِۗ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ}[النور:32].

Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam waxaa la wariyay inuu yiri: “Saddax Alle ayaa isku waajibiyay inuu ukaalmeynayo, waa Mujaahidka ku dagaallamaya wadada Allaah, Addoon boqorkiisa kula heshiiyay inuu is furto oo doonaya inuu fuliyo heshiiskaas, iyo midka guursanaya isagoo dhowrsanaaan dalbaya”

Qodobka sideedaad, waa in la badiyaa cibaadaadka loona sameeya qeyb waqtiga kamid ah, Taasi micneheedu maahan in qofku uu meel fashiisto  isagoo watigiisa dhan salad tukanaya, ama uu Masjidka iska fadhiisto isagoo rizqi dalbaya, balse waa in uu waqtigiisa qeyb kasoo jaro intii usuuragal ah, mudadaasna uu badiyo cibaadada, sidaba uu Allaah Xadiithul Qudsi ku yiri: “Ina Aadamow, cibaadadeyda usoo tafarruq, waxaan qalbigaaa ka buuxinayaa hodantinimo, gacmahaadana arzaaqad ayaan ka buuxin, Ina Aadamow ha iga fogaaan, oo markaas aan faqri ka buuxiyo qalbigaaga, mashquul aan dhamaad laheynna ku galiyo”

Qodobka sagaalaad waa in laga tago macaasida, Shaki la’aan macaasidu waxa ay suulisaa nicmooyinka, iyadoo qofka dhaxal-siisa dhibaato, waxa ay la tagtaa oo ay baabi’isaa barakada, iyadoo keensaneysa naxariista Allaah oo lagaa fogeeyo halaagna aad ku dhacdo, waxa ayna baabi’isaa arzaaqda

Qodobka tobanaad, waa in aad Allaah ku shukrisaa kuna raali noqotaa waxa uu ku siiyay, Waxa uu Allaah Subxaanahu Watacaalaa dadka umahad celiya uballan qaaday inuu nucmada usiyaadin doono waxa uuna yiri: {وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ}[إبراهيم:7]،

Waxaa gabagabadii intaas oo dhan gundhig u ah ducada iyo baryada Allaah, waa midda kulimisa dhammaan asbaabta ahna furaha albaab waliba oo kaa xiran, iyo wadada lagu fududeeyo arrin kasta oo culeys ah, Allaah waxa uu yiri: {وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ}[غافر:60].

Waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu arzaaqda noo waasiciyo, uuna inoo barakeeyo cumriga, xoolaha iyo awlaadda, naguna arzaaqo inaan nicmadiisa ku shukrino, islamarkaana uu naga dhigo kuwa liibaanay ee jannaadkiisa hela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here