Maxaan ka ognahay Dhulmareenkii Muslimka Ahaa ee noolaa Qarniyadii Dhexe. Guud Marka Socdaalkii Ibnu Batuuta Qaybta (1)

20
0

Abu Abdullah Muhammad bin Abdullah bin Muhammad bin Abdul Rahman bin Yusuf al-Lawati al-Tanji, oo loo yaqaan Ibnu Batuuta, waa mid ka mid ah dhulmareennadii ugu waynaaa  ee soo maray taariikhda dunida Qarniyadii Dhexe, wuxuu  socdaal ku maray in ka badan 120 kun oo kilomitir.

Socdaalkiisu waxa uu gaaray laga bilaabo Galbeedka Fog illaa Shiinaha, Malaysiya, iyo Filibiin, waana  masaafo uu ruux  socdaal ahi uusan jarin isaga hortii, taas oo ka dhigtay inuu noqdo nin farta lagu fiiqo, waxaana lugu naanaysi jiray  “amiirka socdaalka ee Muslimiinta”.

Ibnu Battuta waxa uu dhashay sannadkii 703 ee Hijriyada, kuna beegnayd 1304-tii Miilaadiyada, wuxuuna ku dhashay magaalada Tangier ee waqooyiga Morocco, wuxuuna ka dhashay qoys ka soo jeeda qabiilka Luata ee Amaaziqiyada ah , kuwaas oo uu asalkoodu dib ugu laabto gobolka Cyrenaica ee Liibiya.

Magaca “Ibnu Batuuta”, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah masaadirta, waxaa laga soo qaatay magaca hooyadii oo la oran jiray Faaduma, xiligaasna waxaa caada ahayd in wiilasha lagu magacaabo magacyada hooyadood, kaddib  magacan waa la taxriifiyay  nawaaqiisa wuxuuna  noqday Battuuta badalkii laga rabay Faadumo.

Ibnu Batuuta waxa uu ku soo barbaaray jacayl cilmiga iyo akhriska, sababtoo ah waxa uu ka soo farcamay qoys diineed, wuxuuna  helay cid ka haqabtirto tarbiyada islaamka, waxa ay u badan tahay in uu quraanka kariimka  iyo cilmiga shareecada uu ku bartay dugsiyadii qur’aanka kariimka, isaga oo raacaya dhaqankii wakhtigaas laga yaqaanay dalalka Waqooyiga Afrika.

Markii uu gaaray da’da 21-sano, wuxuu go’aansaday inuu aado Makka si uu usoo Xajiyo, safarkaas oo lagu qiyaasay inuu qaadanayo 16 bilood, ayaa isku badalay safar qaatay ku dhawaad ​​30 sano oo ku maray dhulbadan waana yoolka aan kala golleenahay maqaalkaan horteenna yaalla, waxaan soo gudbin doonnaa inta badan goobihii uu booqday Ibnu Batuuta anaga oo si guud udulmarayna Insha Allaah.

Waxa uu maray dalal badan oo ku yaalla Bariga Dhexe, iyo ku dhawaad ​​dhammaan caalamka Islaamka, waxaana intii uu socdaalka ku jiray uu ka kororsaday aqoon badan iyo waayo-aragnimo usan axad isaga ka horeeyay gaarin.

Ibnu Batuuta waxa uu wariyey in uu safarkan keligii galay, sida uu ku sheegay kitaabkiisa loo yaqaanay ( Socdaalkii Ibnu Batuuta).

Waxa  uu  ka safray Tangier oo ah halka uu ku dhashay, maalin Khamiis ah, 2-da Rajab, 725 Hijriya ayna ku beegnayd miilaadiyada 1324-kii, isaga oo uqasdaya Xajka Baydka Allaah, wuxuuna ahaa kaligiis,  marka laga soo taga nin lagu magacaabi jiray  Anas kaas oo  saaxiibkiis aha.

Cilmi-baarayaasha qaar ayaa sheegaya, in socdaalkiisa xajka uusan ahayn mid ku wajahan xajka oo kaliya, balse uu ujeedkiisu ahaa inuu la kulmo culumada, lana fariisto, iyo inuu wax ka barto, gaar ahaan cilmiga shareecada, iyadoo ay u dheer tahay inuu booqda dhammaan dhulka Islaamka uu  gaaray.

Intii uu safarka ku jiray, waxa uu la kulmay dhibaatooyin iyo caqabado, kuwaas oo qaarkood ay sigeen inay nafta dhaafiyaan, waxaana ka mid ah in ay qafaasheen burcad-badeed iyo in uu aad u xanuunsaday, maadama difaaciisa jireedna uu ahaa Sheekha mid aad  daciif u ah si ooga hortaga cudurrada, laakiin taasi kama joojin inuu horay u socdo si uu ugaaro yoolkiisa.

Sanadku markuu ahaa 1325 Miilaadiyada ayuu Ibnu Batuuta socdaalkiisii ka soo kicitimay magaalada Tangier ee dalka Marooko, wuxuuna u sii jeeday dhanka Maka, waxa uuna sii maray Aljeeriya, Tuunisiya iyo Liibiya illaa uu ka gaaray Alexandria, taas  oo uu kitaabkiisa aad oogu tilmaamay.

Iskandariya ka bacdi ibn battuuta waxa uu u jihaystay dhinaca Qaahira oo wakhtigaa ka koobnayd 4 magaalo oo kala ahaa Al-Fustat oo uu aasaasay Camr bin Al-Caas (Rc), Al-Askar oo uu aasaasay Saalax ibnu Cali Al-Cabbaasi iyo Al- Qataa’ic oo uu aasaasay Axmed ibnu dhuluun, tan afraadna waxay ahayd Qaahira, oo uu aasaasay Jawhar Al-Siqilli, oo ahaa hogaamiyihii Al-Mucizz li-Diin Allah.

Waxa uu sii watay socdaalkiisii ​​dhulka Masar illaa uu ku hakaday badda cas, kaddibna waxa uu u sii gudbay dhinaca Falastiin, waxa uuna  booqday Beytul Laxam iyo Qudus, wuxuuna sidoo kale booqday  Masjidka Al-Aqsa isagoona aad utilmaamay masjidka.

Wuxuu ka yiri xagiisa: Waa mid ka mid ah masaajidda ugu yaabka badan, ugu quruxda badan, waxaana la sheegaa inuusan jirin masjid ka weyn oo dhulka korkiisa ku yaalla. Waaxa kale ee uu aad usifeeyay Qubbad Sakhraha isagoona sheegay inay tahay mid ka mid ah dhismayaasha ugu cajiibsan.

Ibnu Batuuta waa uu ka tagay falastiin, isagoona ujihaystay Dimishiq, halkaas oo uu ku qaatay waxbarasho bilo ah, ka hor inta uusan u anbabixin Xijaaz, gaar ahaan Maka, si uu u soo guto Xajka iyo Cumrada.

Markii uu udhamaaday Xajka Ibnu Batuuta kuma fikirin in uu ku laabto dalkiisi Marooko, balse waxa uu sii watay safarkiisii ​​isagoo afka saaray Ciraaq, wuxuuna horay u sii raacay Xujeyda Ciraaq ee kasoo laabatay Makka, waxa ay  mareen intii ay safarka ku jireen  magaalada Najaf, kaddibna waxa uu booqday Ibnu Batuuta koonfurta Ciraaq iyo magaalada Wasit.

Dabadeedna waxa uu kaga  sii tallaabay Ibnu Batuuta  dhanka magaalada Basra oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka mid ah hooyooyinka Ciraaq, taas oo magaceeda uu gaaray mashriq iyo maqrib, waxayna lahayd sida uu tilmaamaya Ibnu Batuuta deyrar aad u qurxoon, iyadoo sidoo kale  lahayd beero geedo badan iyo miro la jecel yahay, maadaama ay ku taalla halka ay ku kulmayaan dijla iyo Furaat, mana jirto magaalo ka geed timir badan adduunka sida uu sheegaya Ibnu Batuuta Allaha unaxariistee.

Magaaladii Basra kaddib, waxa uu galay Baqdaad, taas oo ay Tartaarka burburiyeen qarni ka hor intii aanu halkaasi imaanin, wuxuuna  dul istaagay dhismayaasheedii iyo haraadigii burburka magaaladaas.

Intaan ayaan ku hakinaynaa qaybta kuuwaad ee maqaalka lasoco qaybta xigta Insha Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here