Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay – subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah – dilka madaxii xafiiskeeda siyaasadda, hogaamiye Ismaaciil Haniyeh ka dib markii lagu bartilmaameedsaday weerar ay gumaystaha Israa’iil ku fuliyeen caasimada Iran ee Tehran.
Siduu u Dhacay Dilka Ismaaciil Haniyeh?
Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay – bayaan uu soo saaray subaxnimo hore ee maanta, in Haniyeh uu shahiiday ka dib markii lagu bartilmaameedsaday weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka degganaa magaalada Tehran oo ah caasimada Iran.
Dowlada Iran ayaa xaqiijisay dilka Ismaaciil Haniyeh, iyadoo aan la cadeynin qaabka loo beegsaday, waxayna sheegeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan u shaacin doonaan natiijada baaritaanka dilka Haniyeh.
Waqtiga iyo Halka uu ka Dhacay Dilka?
Wakaalada wararka ee Iran ayaa sheegtay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu dhacay abaaro 2-dii subaxnimo ee arbacada iyadoo xustay in uu ku sugnaa xarun gaar ah oo ay leeyihiin qaar kamid ah ciidamada Iran oo ku taala waqooyiga magaalada Tehran.
Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in lala dilay Ismaaciil Haniyeh mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Hub nuucee ah ayaa loo adeegsaday dilka Ismaaciil?
Warbaahinta dowlada Iran ayaa sheegtay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu ahaa mid loo adeegsaday gantaal laga soo tuuray banaanka Iran asago ka soo gudbay dalal dhowr ah, balse gantaalka aan laga soo tuurin gudaha Iran. Iran ayaa sheegtay in gantaalka hawada laga soo tuuray, waxayna intaas ku dartay Iran in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo halka laga soo tuuray gantaalka.
Dhanka kale, gumaystaha Israaiil ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhacdadan, waxayna sheegeen inaysan ka jawaabaynin wararka ay baahinayaan warbaahinta caalamka.
Halkee Lagu Aasi Rabaa Ismaaciil Haniyeh?
Xarakada Xamaas ayaa sheegtay in Ismaaciil Haniyeh lagu aasi doono magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, iyadoo ay ka soo qeyb galayi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka, waxaana ay intaas ku dartay in salaadda janaasada ee marxuumka lagu tukan doono Masjidka Imaam Maxamed bin Cabdul Wahaab ee caasimada Qatar salaada jimcaha kadib.