Maxaan ka Ognahay Sadexda Duulaan ee Labo Kamida Lagu Kalabaxay Midna uu wali Socdo. (Maqaal)

45
0

lagasoo bilaabo dhamaadka qarnigii sadexaad ee Hijriga Ilaa maanta, Muslimiinta iyo noocyada kala duwan ee gaalada waxaa dhex maray sadex dagaal oo jaangooyay masiirka dhulalka ay kakala dheceen dagaaladaas. Sadexdaas dhagaal labo kamida waa lagugu kala baxay halka dagaalkii Sadexaad uu wali taagan yahay, guushuna aysan dhana raacin.

Dagaalkii koowaad:

Wuxuu ahaa dagaalkii Xuruubu Saliibiyah ee gaaladu ay kusoo qaadeen caalamka Islaamka, gaar ahaan bariga dhexe, dagaalkan oo socday ku dhawaad Sadex Qarni, wuxuu kusoo dhamaaday inay muslimiinta guushu raacday,  halka gaaladii kusoo duushay caalamka Islaamkana dhabarka loo saaray  guuldaro.

Dagaalkii Labaad:

Dagaalkan ayaa ahaa dagaalkii labaad ee caalamka Islaamka ay gaaladu kusoo qaadaan, wuxuu na ahaa dagaalkii ka dhacay dhulka Andulus ee hada loo yaqaano Spain, dagaalkan oo socday mudo dheer wuxuu kusoo dhamaaday ciribtirkii muslimiinta laga cirib tiray dhulkii Andulus, muslimiintii dhulkaas ku noolaa ayaa loo kala qaybiyay wax la laayay, wax lagaalaysiiyay iyo kuwo soo firxaday, waxaana maanta jaamacadaha Yurub lagu daraaseeyaa jabkii muslimiinta loogu gaystay Anduluus.

Dagaalkii Sadexaad:

Dagaalkan ayaa ah midka uu Maqaalkaygu kusocdo, waa dagaal udhexeeyay gaalada iyo muslimiinta mudo kabadan 5 qarni walina aan lagu kala adkaan, Bariga afrika ayaa marti galiyay dagaalkan jiilbajiil uu ka soo dhaxlay, Nasaarada Xabashida ee Itoopiya oo garab ka helaysa gaalada Yurub ayaa geeska afrika mudo dheer kawaday dagaal ay doonayso inay ku qabsato, lagasoo bilaaabo Axmed Guray ilaa Sayid M.C Xasan ilaaa lagasoo gaaro manta, waxaa geeska Afrika ka holcaya  dagaal u muuqda in aan wali lagu kala adkaan.

Marka la eego awooda sii kordhaysa ee  Xarakada  Al-Shabaab ee ka arimisa Laamu ilaa Buuraleyda Goolis ee dalka Soomaaliya iyo sida ay Itoopiya usii burburayso, waxay muujinaysaa in uu dagaalkan dhinac udhici doono wakhti dhow. Marka lagasoo tago Xarakada Al-Shabaab, Shantaas qarni ee uu dagaalku kasocday geeska Afrika wali soomaaliya kama dhalan awood Islaamiya oo ka Jihaada  Lagasoo bilaabo Buuraleeyda Goolis ilaa Laamu. Tan ayaa noqonaysa mid kamida Ififaalooyinka tusaya in Dagaalkan Qarniyada qaatay uu gabogabo ku dhowyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here