Waxaa la og yahay in xiriirka ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya uu ahaa mid xooggan ilaa wakhtiyadii hore ee taariikhda.
Waxaa jiray isku dayo la doonayay in la xaqiijiyo in dhulka loo yaqaanay “Punt” oo ay Masriyiinta hore ka ganacsan jireen uu hadda ka tirsan yahay gobol ka mid ah Soomaalilaan. Xilligii casriga, Masar waxay door weyn ku lahayd isbeddelladii awoodda gumeysi ee Yurub ku lug yeelatay gobolka, gaar ahaan kadib markii Ingiriisku uu saldhig ka sameystay dekedda Cadan 1839, kuna ballaariyay ganacsiga xeebta waqooyi ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Faransiisku wuxuu xoojiyay joogitaankiisa gobolka 1862, halka Talyaanigu uu xarun ganacsi ka furay dekedda Casab 1869, taasoo bilowday gumeysiga Ereteriya. Masar waxay calankeedii ka taagtay dekedda Berbera 1870.
Xilligaasi, Masar waxaa la siiyay maamulkii dekedda Saylac bishii July 1875, iyadoo heshiis la galay Ingiriiska bishii September 1877 oo qirayay in Masar ay xaq u leedahay xeebta Soomaaliya, balse ay tahay in Saldanadda Cusmaaniyiinta aysan dhulkaan u dhiibin cid kale.
Masar waxay si firfircoon uga sii shaqeyneysay gobolka xeebta Soomaaliya ilaa 1884, markii xoog lagu qasbay inay ka baxdo magaalada Harar. Ka hor inta aan Soomaaliya xornimada helin, Masar waxay si xoog leh u taageertay midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, Masar waxay ku dadaashay in Soomaaliya ay xornimo hesho iyadoo ay gacan ka geysatay in la fuliyo qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee November 1949 oo sheegayay in Soomaaliya ay xornimo hesho kaddib muddo 10 sano ah oo la wakiisho.
Ka sokow taageerada diblomaasiyadeed ee Masar si ay Soomaaliya uga caawiso inay xornimada hesho, Masar waxay sidoo kale ka taageertay waxbarashada, iyadoo kor u qaaday tirada xubnaha waxbarashada ee ka socda Masar oo ka shaqeeya Soomaaliya.
Ka dib markii Soomaaliya xornimada heshay, xiriirka Soomaaliya iyo Masar wuxuu noqday mid aad u xooggan, gaar ahaan ka dib booqashadii madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan uu ku tagay Qaahira bishii October 1961, halkaasoo uu kula kulmay madaxweynihii Masar Jamal Cabdinaasir. Siad Barre, oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya ee kacaanka ku sameeyay dalka 1969, wuxuu sheegay in “kacaankii Soomaaliya uu ahaa mid ka dhashay kacdoonkii July 23 ee Masar iyo fikirka kacaanka Jamal Cabdinaasir.”
Xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar wuxuu si cad u muujinayaa aas-aaska wanaagsan ee xiriirka labada dal oo ku salaysan siyaasadda iyo shacabka labadaba.
Heshiiska Iskaashiga Difaaca: Maxaa Cusub?
Inkastoo faahfaahinta heshiiskii iskaashiga difaaca ee ugu dambeeyay aan weli la shaacin, waxaa la filayaa in heshiiskaan uu si weyn u saameyn doono xiriirka iskaashiga ee DF Soomaaliya iyo Masar mustaqbalka dhow, iyadoo aysan kaliya ku koobnaan doonin taageero gaar ah oo Masar ay siiso Villa Somalia xilliyada dhibaatooyinka, sida bixinta hub fudud dhowr sano ka hor si loo xakameeyo weerarrada ka imaanaya jihaadiyiinta awoodda badan le ee Al-Shabaab.
Heshiiskaan wuxuu noqon doonaa mid dhammeystiran oo loogu talagalay in la xoojiyo iskaashiga udhaxeeya labada dhinac, sidoo kale wuxuu fursad siin doonaa Villa Soomaaliya inay ka madax bannaanaato saameynta Itoobiya ee siyaasaddeeda arrimaha dibadda, gaar ahaan la xiriirta Qaahira.
Waxaa la sheegay in heshiiskaan uu awood siin doono ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo kor u qaadista awoodda dagaalka ay kula jiraan jihaadiyiinta balse Masar kama duwanaan doonto dowladaha shisheeye ee Villa Somalia naas nuujiya, sidoo kale wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa inay iska caabiso faragelin milatari oo suurtogal ah oo ku timaada dhulkeeda.
waxaa lasaadaalinayaa in tallaabada ay Muqdisho qaadday ayaa kor u qaadi doonta saameynteeda siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan deriskeeda weyn ee Itoobiya.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in heshiiska uu taageero u yahay dadaallada Muqdisho ee ku aaddan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo sugidda ammaanka isagoo aan xisaabta ku darsan halisaha uu mandiqadda ka ridayo.
Waxaa la filayaa in Itoobiya ay sii wado hanjabaadaha ay ku hayso Soomaaliya, iyadoo raadinaysa habab ay ku xoojiso heshiiskii ay la gashay “Jamhuuriyadda Soomaaliland,” iyadoo la filayo wareeg saddexaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Muqdisho oo ay Turkiga garwadeen ka tahay.
Waxaa kaloo la filayaa in dalal Carbeed ay ku tallaabsadaan inay xakameeyaan heerka iskaashiga milatari ee Villa Soomaaliya iyo Masar si uu ugu koobnaado tababar kaliya oo la xiriira la dagaalanka shabaabul Mujaahidiin taas oo ka dhigan in iskaashigan uusan aheyn mid gebigiisba ka dhan ah Itoobiya.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskan si duuduub ah usoo dhoweeyay balse waxay diidanyihiin in ay shacabkooda iyo baarlamaanka intaba usoo bandhigaan,adduunka kama jiro heshiis amni oo ay dowlad gasho iyadoo aan latusin golayaasheeda xukuumadda.
Dowladda Masar ka jirta weligeed uma gurman shacabka dulman ee Falasdiin waxaana lays weydiinayaa sidee ciidanka Masar udifaaci doonaan shacabka soomaalida oo isir ahaan uga fog kuwa Qaza ee ay wada dhasheen!.
Gabagabadii, isbedellada dhabta ah ee ka dhaca dhulka miyuu muujin doonaan mise wuxuu noqon doonaa heshiis lagu awrkacsado oo aan ka tarjumayn xiriirka dhabta ah ee udhaxeeya shacabka ah walaalaha ah ee Masar iyo Soomaaliya?
Xigasho:قراءات إفريقية