Horaantii bishii Janaayo, Ukraine waxay sheegtay inay qabteen laba askari oo dhaawac ah oo u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo qayb ka ahaa duulaanka Ruushka ee uu kusoo qaaday dalka Ukraine.
Saraakiisha reer galbeedka ayaa wakaalada wararka ee BBC-da u sheegay in ku dhawaad boqolkiiba 40% kamida ciidamada Kuuriyada waqooyi ay horay ugu dhaawacmeen dagaalka ka socda gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, muddo saddex bilood gudahood ah.
Saraakiishan oo magacooda qariyay ayaa sheegay in 11 Kun oo ah ciidamo u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb qaateen dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo lagu magacaabo xooggaga DPRK (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya) waxaana 4 Kun oo kamida ciidamadaas wax yeelo kasoo gaartay dagaalada dhacayay bilihii ugu dambeeyay.
Khasaaraha ciidamadan gaaray ayaa iskugu jira kuwo ku dhaawacmay oo aan tiro go’an lagu qiimayn, halka ay jiraan wali ciidamado lalayahy oo loo badinayo in ay maxaabiis ahaan gacanta ugu jiraan dawladda Ukraine. saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in illaa 1000 askari la rumaysan yahay in la dilay badhtamaha bishan Janaayo.
Khubarada military waxay sheegeen in khasaarahan culus ee gaaray ciidamada Kuuriyada Waqooyi hadii la xaqiijiyo ay keeni doonto in aysan aqbali doonin dawladda ay kasoo jeedaan ee Kuuriyada Waqooyi. Mana cadda halka lagu daweynayo askarta dhaawaca ah.
Xukuumadda Kyiv ayaa caddaysay wakhtigaas in aanay wax niyad ah u haynin in ay sii haysato dhulka la qabsaday, kaas oo ay u haysato oo kaliya in ay u isticmaasho gorgortan nabadeed mustaqbalka soo socda.
Guulihii hore ee ay dawlada Ukraine ka gaartay gobalka Kursk ayaa tan iyo markaas si tartiib tartiib ah dib gacanteeda uga baxayay, waxaana sabab u ah imaatinka ciidamada kasoo jeeda Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo dagaalka kusoo biiray bishii Oktoobar ee ina dhaaftay.
Balse Ukraine ayaa weli haysata dhul gaaraya dhowr boqol oo kiilo-mitir oo laba jibaaran oo ka tirsan dhulka Ruushka, waxayna halkaas kasoo abaabushaa weeraro laayaana oo ay kaga hortagayso ciidamada Ruushka.
Ciidamada Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu soo waramayaa in ay ka tirsan yihiin cutubyo lagu magacaabo Storm Corps, waxa ay u muuqdaan in dagaalka lagaliyay ayagoon wax istaratijiyad dagaal ah ka haysan dhulka ay ku dagaalamayaan, taas oo keentay in wax kabadan sadex qaybood qayb ay wax yeello kasoo gaarto dagaalka.
“Kuwani waa ciidamo aad u tababaran oo ay hogaaminayaan saraakiil Ruush ah, kuwaas oo aysan af ahaan is fahmaynin, dhanka kalana aan aqoonin dabeecada dhulka ay ku dagaalamayaan” ayuu yiri taliyihii hore ee ciidamada taangiyada Ingiriiska, Col Hamish de Bretton-Gordon.
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya, in Kuuriyada Waqooyi aysan u diyaarsanayn xaqiiqada dagaalka casriga ah, waxayna si gaar ah ugu nugul yihiin in lagu bartilmaameedsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine (FPV) oo ah hub caan ka ah goobaha dagaalka.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa taliyaha ugu sareeya ciidamada dalka Ukraine Gen Oleksandr Syrskyi waxa uu horaantii todobaadkan ka digay in askarta Kuuriyada Waqooyi ay dhibaato weyn ku hayaan dagaalyahanada Ukraine ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa socday mudo ka badan sadex sano, kaas oo ilaayo hada si rasmiya cidna ugu gulaysan, inkastoo labada dhinac ay kala gaartay khasaare culus ayna ka kala dhinteen boqolaal kun oo ciidan. Mas’uuliyiinta dawladaha qaarada Yurub ayaa tilmaamay in hadii Ruushku uu ku gulaysto dagaalka Ukraine ay dhici karto in uu usoo taalabo dalalka qaarada Yurub, taas oo cabsi wayn ku abuurtay dadka ku dhaqan qaaradaas.