Muxuu Xassan Sheekha Maxamuud uga Dhigan Yahay in lala Wareegay Magaalada Masaajid Cali Guduud iyo Deegaanka Geelgub. (Warbixin).

36
0

Waabarigii hore ee saaka Ciidamada Xarakada Mujaahdiiinta Al-Shabaa ayaa dagaal kula wareegay magaalada Masaajid Cali Guduud ee Wilaayada Shabeellada dhexe.

Weerarkan oo ahaa mid cagmarin ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada dowladda Fadaraalka ee halkaasi fariisimaha ku lahaa, halka qaar kalana maxaabiis ahaan loo qabtay.

Ciidamada dowladda Fadaraalka ee lagu weeraray Masaajid Cali Guduud ayaa u firxaday deegaanka Geelgub ee Wilaayada Shabeellada dhexe, kaas oo ah deegaan 10km u jiraa deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale.

Balse ciidamada dowladda Fadaraalka ee halkaasi firxadka ku gaaray ayaa mar labaad kasii firxaday deegaankaas, malatiga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana si nabad galyaha ula wareegay deegaankaasi.

Weerarka cagmarinta ah ee saakay ka dhacay magaalada Masaajid Cali Guduud iyo la wareegitaan Geelgub oo ah deegaan 10km u jiraa deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ayaa ku soo aadayaa iyadoo madaxwaynaha dowladda Fadaraalka, Xassan Gurguurte, uu maalmahaan ku sugnaa degmada Cadale oo aan ka fogeyn Cali Guduud, isagoo ku calaacalay ciidamadiisa inay dagaalka u adkaystaan.

Balse ciidamada dowladda ayaa saakay kala cararay markii ugu horeeysay ee xabadda Mujaahidiintu ku soo billaabatay.

Waxayna arintaani quus iyo fajac ku tahay madaxwaynaha dowladda Fadaraalka ee maalmahaan ku sugnaa gobalkaasi.

Waxaana la dhihi karaa waa isku dayadii ugu danbeeyay ee uu Xassan Garguurtee  ku raadinayay ciidama hakiyo deegannada faraha badan ee kasii baxaya gacanta dowladda Fadaraalka, ayna la wareegayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas oo isagana fashilmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here