Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa si xiriir ah uga baxaya shacab badna oo Itoobiyaan ah oo muddo halkaasi ku sugnaa kuwaasoo u muuqday dad si ula kac ah loogu degaameynayo dhulkaas.
Kadib markii ay soo muuqatay in dadka Soomaaliyeed lasoo baxeen dareen caro leh oo ka dhan ah xabashida kaasoo ka dhashay damaaciga badda Soomaaliya ayaa waxay Xabashidu u muuqdaan kuwa is tusay in shacabkoodu uusan ammaan ku heleyn wadanka, maamul goboleedyadana aysan awood u lahayn inay ilaaliyaan.
Dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Garowe ayaa maalin walba toban toban qoys uga baxa halkaas, warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in dowladdooda ay ku amartay iney halkaas kasoo guuraan, waxaana maamulka Puntlanad lagu amray iney soo ambabixiyaan dadkaas oo gaadiid soo saaraan.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay in dadka Itoobiyaanka looga saarayo magaalada nadaafad darro iyo anshax darro ay bulshada kusoo kordhiyeen, isagoo isku muujinaya in go’aankan yahay mid maamulka kasoo baxay.
Itoobiyaan badan oo shacab ah ayaa sidoo kale dhooban magaalooyinka Boosaaso, caabudwaaq iyo kuwa kale.