Iyadoo Tehran ay isku diyaarinayso inay ka jawaabto warqad ka timid madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo soo jeedinaysa wada xaajoodyada heshiis cusub oo Nukliyeer ah, ayuu ergayga Maraykanka ee Bariga Dhexe Steve Witkoff sheegay Axaddii in warqadda loo diray hoggaamiyaha Iran Ali Khamenei ay tahay isku day lagu doonayo in lagaga fogaado tallaabo milateri.
Waxa uu intaa ku daray, “Fariinta aan u dirayno Iran waa: Aynu wada fadhiisanno oo aynu aragno in aynu wada hadal iyo dublamaasiyad ku gaari karno xal sax ah, haddii aan awoodno diyaar ayaan u nahay wadahadalkaas, balse haddii ay taasi dhici wayso waxa badiilka ka noqon doona maaha wax wanaagsan”.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbaas Araqchi ayaa Axaddii sheegay, in wadahadal lala galo Mareykanka aysan suurtagal ahayn haddii aysan wax ka beddelin siyaasaddeeda cadaadiska.
“Marka aan niraahno wadahadal aan la galno Mareykanka, waa qorshe ka yimid waayo aragnimo taariikheed,” ayuu raaciyay, isaga oo tixraacaya ka bixitaanka Trump ee xilligiisii ugu horreeyay ee heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, xiligaas oo Tehran ay ku soo gabagabeysay lix quwadood oo waaweyn.
Araghchi waxa kale oo uu yiri, “Anigu sida ay ila tahay, heshiiskii 2015-ka laguma soo noolayn karo qaabka uu hadda yahay, mana aha dantayada, sababtoo ah xaaladda Nukliyeerka ayaa si weyn u soo hagaagtay, hadda suurtagal maaha in aan ku laabanno xaaladdii hore.”
Trump ayaa horraantii bishan sheegay, inuu warqad u diray Khamenei, isagoo uga digay in ay jiraan laba siyaabood oo Iran loola macaamili karo, kuwaas oo kala ah in faragalin military lagu sameeyo ama in heshiis waara la gaaro.
Khamenei ayaa ku gacan seyray dalabka Mareykanka ee wadahadalka, wuxuuna ku tilmaamay “khiyaano” wuxuuna sheegay, in wadahadal lala yeesho maamulka Trump “ay horseedi doonto in la sii adkeeyo cunaqabateynta iyo cadaadiska sii kordhaya ee Iran.”
Inkastoo Trump uu albaabka u furay heshiiska Nukliyeerka ee Tehran, wuxuu dib u soo celiyay siyaasaddii ku dhisnayd cadaadiska, taas oo uu ku saaray Iran xayiraadii ugu badnayd, markan ayaana u muuqata in uu dadaal dheeraad ah ku bixinayo sidii uu u curyaamin lahaa barnamijka Nukliyerka ee Iran.
Tehran ayaa ku adkeysaneysa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay ujeedo nabadeed, isla markaana ay ixtiraameyso waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.