Maxay Yihiin Foostooyinka Qarxa ee ay Ciidamada Xabashidu u Adeegsanayaan Duqaymaha ay ka Fulinayaan Gobalada Dalka? (Warbixin)

38
0

Ciidamada Xabashida oo amar buuxa ka haysta hogaamiyaha dawladda fadaraalka ee Xassan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii bishan Barakaysan ee Ramadaan duqayn ka gaystay magaalada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe, waxay sidoo kale gobalada Shabellada dhexe/hoose ka gaysteen duqaymo kuwan lamid ah oo ay ku shahiideen kuna dhawacmeen dad shacab ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka wadanka kasocda, duqayntan ayaa loo adeegsaday Foostooyinka Qarxa, kuwaas oo lagasoo buuxiyay shiidaal iyo kiimikooyin kala duwan.

Duqaynta ka dhacday Jilib ayaa diyaaradahan ku burburiyeen dhismayaal ganacsi iyo xarumoha danta guud sida Jamacada Al-Qimah ayaa sababtay dhaawaca hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo uu gurigooda ku habsaday mid kamida foostooyinkii ay riday diyaaradaha dagaalka ee dawladda Xabashida Itoobiya.

Foostooyinka qarxa waxaa sidoo kale luuqada Ingliishka loo yaqaanaa Barrel bomb, waana nooc kamid ah hubka wax gumaada ee adduunka mamnuuca ka ah, waxaa horay u adeegsaday dawladaha maanta sheegtay inay aduunka u tabar roon yihiin, malahan bartilmaameed taas badalkeedana wuxuu yeeshaa saamayn xooggan oo gaarta halka loo adeegsaday.

Muuqaalkeedu waa foosto nashqadeeda oo kale ama waaba foosto caadiya, dhinacyada waxaa looga dhajiyaa baalal ama garabo, taasoo isku dheeli tiraysa miisaanka foostada, baalasha ayaa sidoo kale sababaya in batoonka hoose – oo ah meesha gudbin doonta dabka marka foostadu dhulka gaadho – ay jihadiisu dhulka taabato, si uu qaraxa u horseedo.

Foostada gudaheeda waxaa laga buuxiyaa biro jajaban, jaraaid googan, masaabiir kala nooc ah iyo boolal kala dugan, si ay uyeeshaan saamayn xooggan. Waxaa kale oo lagu daraa kiimikooyin qarxa sida TNT taas oo sahlaysa in dab xoogleh uu ka dhasho meesha lagu dhufto. Foostada hoos waxay kuleedahay batoon riixmaya marka foostadu salka dhulka dhigato, kaas oo markuu riixmo gudaha foostada ka dhalinaya dab si foostadu u qaraxdo.

13kii Janaayo ee sanadkii 2014-ka, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriiska William Hague, wuxuu ku tilmaamay isticmaalka bambooyinkan fuustada ah, inta lagu jiro iskahorimaadka inay tahay ” Dambi dagaal oo kale.”

Bishii Disembar ee sanadkii 2013-ka, Ruushku wuxuu diiday inuu taageero qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu dhaleeceeyay Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad inuu qaaday weerarradan aan loo meel dayin ee uu ku beegsaday goobaha rayidka, kuwaas oo uu u isticmaalay foostooyinka qarxa.

TAARIIKHDA FOOSTOOYINKA QARXA [BARREL BOMB]

Isticmaalka bambaanooyinka foostada ee ugu horreeyay ayaa waxaa isticmaalay militariga Yahuudda sanadkii 1948-kii. Isticmaalkii labaad ee bambooyinka fuustada ayaa isna dhacay wakhtigii ay ciidamada Maraykanku ay dagaalka ka ga jireen Vietnam dabayaaqadii sanadkii 1960-kii.

Laga bilaabo 1990-meeyadii, waxaa sidoo kale laga isticmaali jiray Sri Lanka, Croatia iyo Suudaan. Bambaanooyinka foostada ah waxaa si aad ah u isticmaalay Ciidanka Cirka ee Suuriya intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Suuriya, sidookale waxaa isticmaalay ciidamada Ciraaq intii lagu jiray ololihii Anbar.

Hubkan oo indhaha caalamka soo jiitay ayaa noqday hubka loogu isticmaalka badan yahay marka lagasoo tago hubka kiimikooyinka ah ee wax gumaada, waxaana isticmaalay dowlado kala dugan xiliyada ay ku jiraan dagaalada, inta badan hubkan waxaa loo isticmaalay duulanadii ay gaaladu kusoo qaaday caalamka Islaamka.

Bambaanooyinka Foosto ama Barrel bomb waxaa isticmaalay Ciidanka cirka ee Yahuudda intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Yahuudda dhex maray ee sanadkii 1948-dii. Bishii Luulyo 15-16, Ciidanka Cirka ee Yahuudda ayaa bambooyinka fuustada ku tuuray magaalada Safuuriya intii ay ku guda jireen Xasuuqii  ay kula kacayeen shacabka Falastiiniyiinta.

Taariikhyahan Nafez Nazzal ayaa soo xigtay mid ka mid ah dadka daganaa magaalada la bartilmaameedsaday wuxuuna sheegay isagoo sharaxaya xasuuqaas. “Saddex diyaaradood oo Yahuudda ah ayaa dul heehaabayay magaalada, waxayna soo rideen fuustooyin ay ka buuxaan walxaha qarxa biro jajab, masaamiir iyo quraarado. Waxay ahaayeen kuwo aad u qaylo badan oo ruxay magaalada oo dhan, daaqadaha iyo albaabada guryaha ayay jebiyeen, qaar ka mid ah dadkii magaalada degganaa ayaa ku dhintay duqayntaas, halka qaar kalana ay dhaawacmeen, waxayna sidoo kale laayeen xoolo badan .

Dawladda Xabashida ah ee Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah u haysa bushadeena Soomaaliyeed ayaa haatan ka faaidaysanaysa damiir la’aanta Xassan Guurguurte, kaas oo dhawaan u dirsaday codsi ah in lagu gacan siiyo dagaalka adag ee uu kula jiro xarakada Al-Shabaab, codsigan ayaa mid kaddib qabsashadii ay militariga Xarakada Al-Shabaab kula wareegeen Degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe, taas oo fariin cad u dirtay dhamaan dawladdaha shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here