Maxbuus Falastiini Ah oo Dilay Askarigii Xabsiga Ku Ciqaabi Jiray.

86
0

Ibraahim Mansuur, oo ah (23 sano jir) ka soo baxay xabsiyada gumaystaha Yahuuda ayaa dilay askari Yahuudi ah oo ku dhex ciqaabi jiray xabsiyada Yahuuda.

Maamulka gumaystaha Israa’iil ayaa sheegay faahfaahinta xarigga Ibraahim Mansuur, oo labo toddobaad ka hor gudaha u galay tuulada Beit Ijza, oo waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Qudus ee ku jirta gacanta gumaystaha Yahuuda.

Halyeey Ibraahim Mansuur ayaa helay guriga askarigii ku ciqaabi jiray xabsiga, askarigaas oo lagu magacaabo “Yohai Avni” oo ah (40 jir), intaas ka dib waxa uu ku weeraray mindi ilaa uu ka dhintay askariga.

Gumaystaha Yahuuda ayaa mar kale xabsiga dhigay Ibraahim Mansuur labo maalmood kadib markii uu howlgalka fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here