Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa shalay Talaadadii ku dhawaaqday, in ay xabsiga Guantanamo Bay ka sii daysay maxbuus Kenyaan ah, waxaana xabsigan ku caanbaxay sumada darada illaayo haatan ku xiran 29 maxbuus, oo uu kamid ahaa maxbuuska hada lasoo daayay, xabsigan ayaa ku yaalla gudaha saldhigga Mareykanka ee Cuba.
Pentagon-ka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in Mohammed Abdul Malik Bagabo lagu soo celiyay dalka Kenya, kaddib markii Mareykanku uu u arkay in xarigiisa Guantanamo uu hor seedi karo amni daro kale, kaas oo ugu dambayntii laga sii daayay xabsiga.
Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Bagaabo ayaa la xiray sanadkii 2007-dii, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay ururuka Jihaadiga ah ee Al-Qaacida qeybtiisa Bariga Afrika (Al-Shabaab).
Mareykanka ayaa xabsiga Guantanamo Bay u adeegsada in uu ku xiro qof kasta oo uu uga shakiyo inuu xiriir la lee yahay ururada Jihaadiga ah ee ka dagaalama caalamka, xabsigan ayaa la furay kaddib weraradii 11-kii sebtember ee 2001-dii, kaas oo dhulka ku jiiday qabwaynidii Maraykanka.
Xabsigan ayaa lagu xiray wax badan 800 oo maxbuus, sida ay sheegeen hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqul insaanka, ka hor inta aan in badan oo ka mid ah si tartiib tartiib ah loogu wareejin wadamo kale, waxaana hadda haray 28 maxbuus, oo uu ugu caansan yahay Khaalid Sheekh Maxamed, oo lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 11-kii Sebtembar ee gilgilay dalka Maraykanka.