Maxkamadda Ammaanka ee Dowladda Urdun ayaa toddobo sano oo xarig ah ku xukuntay wiil dhalin-yaro ah oo lagu magacaabo Yousef Tawfiq al-Bastanji, kaas oo 22-jir ah, kadib markii sanadkii ina dhaafay xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay inuu gudaha u galay Falastiinta gumaysiga ku jirta iyo inuu qorsheynayay weerar ka dhan ah gumeystaha Yahuudda.
Al-Bastanji ayaa la xiray bishii Oktoobar 2024-kii isaga oo ku sugnaa aagga Shuna al-Janubiya waxaana loo gudbiyay Maxkamadda Amniga ee Gobolka, isaga oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay howlgal militari oo ka dhan ah ciidamada Sahaayinada Yahuudda.
Kiiskan ayaa waxa uu soo jiitay indhaha shucuubta Muslimka ah ee ku kala nool Urdun iyo Falastiiniyiinta, iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin wiilkan dhaliyarada ah, iyo sida ay ula fajacsan yihiin daba dhilifnimada maamulka ka dhisan dalka Urdun.
Waxaa xusid mudan, in qoyska Bastanji ay ka soo jeedaan magaalada Dura ee hoostagta dagmada Al-Khaliil ee Daanta Galbeed.
Awoowayaashooda ayaana yimid Urdun, iyagoo kasoo tagay magaalada Beit Lahia ee Marinka Qaza ku dhawaad 150 sano ka hor, waxayna dageen meelo kala duwan oo Urdun ka tirsan.