Maxmuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta maamulka goboleedka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday dowlada uu hogaamiye Xasan Sheekh.
Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxmuud awood u lahayn inuu doorasho qof iyo cod ah ka hirgeliyo dalka Soomaaliya, tallaabooyinka uu qadaayanayo ay kala fogeynayaan isaga iyo maamul goboleedyada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in marka uu waqtigiisa dhamaado ay sugeyso in awood looga soo saaaro madaxtooyada, sidaba uu isagu ula dagaallamay madaxwaynihii ka horeeyay ee Farmaajo.
Dhanka kale Maxmuud Caydiid ayaa sheegay in Shirkii u dhexeeyay maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka in uu fashilmey.