Maydadka in ka Badan 300 oo Qof oo laga Helay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

13
0

Ilo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Suudaan ayaa u sheegay Sabtidii warbaahinta, in ciidamada difaaca madaniga ah iyo mas’uuliyiinta ay khuseyso ay usuurtagashay maalmihii la soo dhaafay inay aruuriyaan maydad ku dhawaad ​​320 qof, kuwaas oo ku dhintay dagaallada.

Waxay intaasi ku dareen, in Meydadka intooda badan ay ahaayeen dadkii ku dhintay iska horimaadyadii u dambeeyay ee Ciidamada Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah ku dhexmaray Bartamaha iyo Galbeedka Khartoum.

Waxay tilmaameen, in ay jiraan meydad la rumeysan yahay in ay yihiin dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanada ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo lagu tuuray ceelasha ama si qaldan loo aasay.

Ilo-wareedyadan ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas ayaa tibaaxay, in tirada maydadka ay kor u kici karto, maadaama howlgalada baaritaannada lagu balaariyay agaaggii dhawaan ay ka socdeen iska hor-imaadyada ee magaalada Khartoum.

Colaadda ka socota dalka Suudaan tan iyo bartamihii Abriil 2023-kii ayaa sababtay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca ku dhawaad ​​15 Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here