Maydadka ku Dhawaad 60 Ruux oo Laga Helay Mid kamida Isbitaallada ku Yaalla Dalka Liibiya ee Dhaca Qaaradda Afrika.

10
0

Waxaa Caasimadda Liibiya ee Tiripoli oo dhawaanahani ay ka socdeen dagaallo u dhexeeyay kooxa isku hayo talada dalkaas laga helay, maydad ugu yaraan 58 qof oo aan haybtooda la aqoonsanin, kuwaas oo ku jiray qolka maydadka ee xarun caafimaad oo ku taalla xaafadda Abuu Saliim ee ka tirsan caasimadda, taas oo ah Xarun caafimaad oo ay gacanta ku hayeen koox hubeysan oo hogaamiyahoodii la dilay todobaadkii hore. Waxaana dhacdadaani shaaca ka qaaday, wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Liibiya.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in isbitaalka laga helay warbixin la xiriirta meydadka oo ku jira talaagada meydadka. Iyadoo intaa ku dartay, in mas’uuliyiintu ay bilaabeen baaritaanno ku aaddan dhacdadan, ayna qaadayaan tallaabooyin lagu diiwaan gelinayo aqoonsiga maydadkaan.

Aagga Abuu Saliim ee ka tirsan caasimadda Liibiya ayaa xarun u ahaa xoogag hubaysan, oo uu hogaaminayay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Qani Kikli, kaas Isniintii lasoo dhaafay lagu dilay iska-hor-imaad ka dhacay magaaladaasi.

Waana markii labaad oo aagaasi laga helayo maydad aan haybtooda la aqoonsanin, Sabtidii lasoo dhaafay, saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay, in maydadka sagaal qof laga helay qolka maydadka ee isbitaal lagu magacaabo Al-Khadraa oo ku yaalla isla xaafadda Abuu Saliim ee ka tirsan caasimadda Liibiya ee Tiripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here