Yahuudda ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta oo Axad ah in Meydka ninka lagu magacaabo Rabbi Zvi Kogan oo la la’aa tan iyo Khamiistii laga helay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen lagu yiri: “Sirdoonka iyo mas’uuliyiinta ammaanka ee Imaaraadka, waxay heleen meydka Raabbi Zvi Kogan, oo la la’aa tan iyo Khamiistii”.
Raabbi Zvi Kogan waa mid ka mid ah wakiilada dhaqdhaqaaqa Yuhuudda ee ururka CHABAD kaas oo ku sugnaa dalka Emirate-ka, wuxuuna haystay dhalashada dalka Moldova, sidoo kale wuxuu ahaa Yahuuddi haysta dhalashada Maamulka Yahuudda.
Ururka CHABAD, waa mid ka mid ah ururada xagjirka ah ee aan aaminsanayn xaqa ay leeyihiin Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqayaan in laga saaro dhulka Falastiin dhamaan Falastiiniyiinta, waxayna sidoo kale ka soo horjeedaan heshiis kasta oo siin kara Falastiiniyiinta qayb kamida dhulkooda.