Mid Kamida Jaamacadaha ugu Caansan Dalka Mareykanka oo Laga Mamnuucay inay Aqbasho Ardayda Ajaanibta ah.

4
0

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojyay barnaamijkii aqbalidda ardayda ajaanibta ah ee Jaamacadda Harvard, Sababo la Xiriira dibad-baxayaasha lagu Taageerayo Reer Falastiin ee lagu qabta Kanbaska Jaamacadaasi, kuwaas oo ay soo qaban-qaabiyaan ardayda jaamacadda.

Haweenay waziirad ka ah wazaaradda amniga gudaha ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday, in ay ku wargelisay maamulka Jaamacadda Harvard go’aankan, kaas oo ku qornaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay jaamacadda, iyadoo xustay, in go’aanka lagu hakiyay barnaamijka gelitaanka ardayda ajaabinta ee jaamacadda Harvard uu isla markiiba dhaqan gali doono.

Haweenaydaan ayaa ku nuuxnuuxsatay, in maamulka Trump uu jaamacadda ku eedeeyay, inay mas’uul ka tahay kicinta rabshadaha iyo nacayb ka dhanka ah Yahuudda.

Maamulka Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu joojin doono maalgelinta dowladda dhexe ay siiso jaamacado dhowr ah, oo ay ku jirto jaamacadda Harvard, maadaamada ardayda jaamacaddaasi mar walba dhigaan mudaharaadyo ay ku taageerayaan reer Falastiin, kagana soo horjeedaan cudwaanka uu kayyaanka Yahuudda ka wado marinka Qazza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here