Mid Kamida Maxaabiista Yahuudda oo lagu Dilay Waqooyiga Marinka Qaza.

25
0

Illo ka tirsan ciidamada muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay manta, in maxbuus Yahuuddi ah dhawaan lagu dilay waqooyiga Marinka Qaza.

Dhowr jeer ayay sidan oo kale muqaawamadu ugu dhawaaqday dilka maxaabiis Yahuudd ah, ku waas oo ay sabab u ahaayeen duqeymaha xooggan ee ay Yahuuddu la beegsanayso magaalooyinka dhaca Jiida Qaza.

Mas’uuliyiin katirsan Yahuudda, ayaa warbaahinta u sheegay in maxaaabiista wali gacanta muqaawamada ku jira ay gaarayaan  107 maxbuus,  halka qaar kamida ay dhinteen, balse muqaawamada Falastiiniyiinta Ayaan wali xaqiijin tirada rasmiga ah ee maxaabiista la dilay.

Af-hayeenka guutada Al-Qassam Abu Ubaida oo dhawaan warbaahinta lahadlay, wuxuu sheegay, in Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, uu ku adkeysanayo, in maxaabiista lagu soo furto cadaadis military, taas oo micnaheedu tahay in ay maxaabiistooda  dib uhelaan ayagoo sanaadiiq Naxash ah lagu sido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here