Mid kamida Saraakiisha ururka Xisbullaah oo dil ka badbaaday.

33
0

Duqeymaha Yahuuda ayaa bar-tilmaameedsaday xalay fiidkii  laba xaafadood oo la deggan yahay kuwaas oo kala ah, Al-Nuwairi iyo Basta oo ku yaalla bartamaha caasimadda Lubnaan.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha Sahaayinada ayaa lagu dilay  22 qof oo Lubnaaniyiin ah, halka lagu dhaawacay  in ka badan boqol kale, sida laga soo xigtay tiro aan xadidneyn oo ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan.

Ciidamada Lubnaan ayaa goobta ku soo rogay bandow, iyadoo ilo xog ogaal ah ay ku waramayaan in bartilmaameedku ahaa Wafiq Safa, oo ah madaxa isku xirka xiriirada ee ururka Xisbullah, balse uu ka badbaaday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhanka kale, ururka Xisbullah ayaa ku dhawaaqay inay baajiyeen shir jaraa’id oo maanta oo jimco ah la qorsheenayay inuu ka qabsoomo magalada Bayruud , sababo ku aadan weerarkan lama filaanka ku noqday ururkaas.

Waxaa xusid mudan in labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay Yahuudu bartimaameedsanayeen maalin kasta hogaan kamida hogaamiyaasha ugu muhiimsan ee ururuka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here