Midowga Yurub ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqay, in ay go’aansadeen inay cunaqabatayn ku soo rogaan dawladda Iran, oo lagu eedeeyay in ay gantaallo balaastik ah geysay Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay, in Wasiirada Arrimaha Dibadda ay ansixiyeen in cunaqabateynta lagu soo rogo 14 shirkadood iyo shaqsiyaad, oo ay ku jiraan diyaaradaha: Iran Air, Saha Airlines iyo Mahan Air, shakhsiyaad cunaqabataynta la saarayna waxaa kamid ah: wasiir ku xigeenka gaashaandhigga iyo taliyayaasha sare ee ciidamada Qudus garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka, sida laga soo xigtay Wakaaladda Faransa-Presse.
Bayaanka kasoo baxay Yurub ayaa lagu sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay shaqsiyaadkan ay timid, kadib markay geeyeen ama fududeeyeen gantaalada balaastikada ah ee la geeyay Moscow, sida 27-da wadan ay ku sheegeen bayaanka.
Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay isla arrintan bartamihii Sebtembar. Midowga Yurub ayaa dhowr jeer oo hore uga digay Iran inay gantaallada balaastigada ah u soo dirto Moscow.
Dhankeeda, Iran ayaa si cad u beenisay inay hub siiso Ruushka, iyadoona tilmaantay inay Ruushka ay la leedahay iskaashi istiraatijiyadeed, waxayna sheegtay in iskaashigaas uusan wax xariir ah lahayn dagaalka Ukraine.