Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaab ayaa maanta dagaal kula wareegay talis ciidan oo ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Mooro-erri ee duleedka degmada Moqokori ee wilaayada Hiiraan.
Ciidamada dowladda Fadaraalka oo dagaalka lagu jabiyey sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah ayaa waxaa gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana goobta loogu tagay maydadka 4 askari oo dagaalka lagu dilay, halka dhaawacana uu gaaraya 8 kale.